Warkii Hore War Soo Dhaaf, Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Xoog Ku Degen Guri Ay Iska Leeyihiin Dad Shacab Ah (Video)

Marwo Sacdiya Cumar Baanafuunsi  ayaa sheegtay inay tahay Dhibane laga Haysto Guri ay leedahay, oo Qiimihiisa ay ku sheegtay inuu hada Gaadhayo  5-milyan oo Dollar,   Waxayna sheegtay in lasoo weeraray oo gacan laga Jebiyey.

Sacdiya ayaa sheegtay inuu Gurigeeda uu Haysto Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan sheekh, Islamarkaana uu diiday inuu Gurigeeda Bixiyo, iyadoo loo Awood sheegtay, Sida ay hadalka u dhigtay, Waxayna sheegtay inay gayn doonto Maxkamada Cadaalada ee ku taala Holland.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE