Dhageyso Gudoomiye C/hi Waafow Oo Ka Waramaya Maleeshiyada Shabaab Oo Bililiqeystay Gaadiid Ay Iska Leeyihiin Dad Shacab Ah

Maleeshiyada isbaheysiga Mooryaanta iyo Shabaab ayaa xoog ku qaatay gaadiid ay iska leeyihiin dad Shacab ah, kuwaas oo ka howlgali jirey Wadada dhoeer ee Laamiga.

Gaadiidkan oo siyaabooyin kala duwan loo qafaashay ayaa marayey inta u dhaxeysa Afgooye iyo Nmabar 50, waxaana ku shaqeysanayey dad Shacab ah oo aan shaqa ku lehyn dagaalka wajiyada badan ee ay ku wadaan Shabeelada hoose.

Mid ka mid ah Gaadiidka oo ah nooca Soomaalidu ay u taqaano Gaarib ayey ka qabsadeen duleedka deegaanka Muuri, waxaana saarnaa dad Shacab oo sida la aaminsanyahay ka yimid magaalada Muqdisho, waxaana gaariga uu kusuii jeeday Magaalada Marka oo inta badan rakaabka ay kusii socdeen.

Laba maalin ka dib ayaa gaadiid dheyna oo Caanaha ka qaada deexda duleedka kaga beegan Nambar 50 iyo Muuri ayaa xilli habeen ah waxay ku leexsadeen deegaanka Cadowdibilli oo gelinkii dambe ay maamulaan.

Gaadiidka dheynada ee Caanaha qaada ayaa tiradooda lagu sheegay ilaa seddax gaari, waxana isla habeenkii la geeyey deegaanka Awdheegle, waxaana jira warar sheegay in markii dambe loo gudbiyey deegaanka Tooratooroe.

Maalmo ka dib ayaa sida nalsoo xaqiijiyey waxa lasoo daayey laba ka mid ah Gaadiidka Dheynada, waxaana ay soo reebteen hal gaari oo dheyna ah iyo Gaarigii Gaaribta ahaa ee ay ka qabsadeen deexda deegaanka Muuri.

Dhageyso Gudoomiye C/hi Waafow oo ka waramaya dhaca iyo Boobka lagula dhaqaaqay gaadiidka Shacabka ah.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open