Dhageyso Gudoomiye Yariisow Oo Faafaahiyey Howlgal Ciidamada Deegaanka Ay Ka Fulliyeen Duleedka Degmada Janaale Ee Gobolka Shabeelada Hoose

Gudoomiye Maxamed Cusmaan Cali Yariisow ayaa faafaahin ka bixiyey howlgal Ciidamada deegaanka ay ka sameeyeen deegaano duleedka ka xiga degmada Janaale ee Gobolka Shabeelada hoose.

Yariisow ayaa sheegay in howlgal gaar ah laga fuliyey deegaanada kala ah Cambanaane, Sagaaroole, Busley iyo deegaano kale oo dhowr ah oo ay maamulaan Maleeshiyada sharwadayaasha ah ee Shabaab.

Waxa uu tibaaxay Yariisow in howlgalka ay ku guuleysteen Ciidamada deegaanka islamarkaana sidii loo baahnaa uu u dhacay, waxa uu intaa ku daray hadalkiisa in ay soo qabsadeen saanad iyo agab kale oo ka ay carareen Maleeshiyada isbaheysiga ee ka kooban Mooryaanta iyo Shabaabka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open