Maamulka Nambar 50 “Geesinimada Shacabkeena Ayaa Suuragelisay In Aan Guul Ka Gaarno Cadowga Huradada Noo Diiday”

Maamulka Degmada Nambar 50 ee Gobolka Shabeelada hoose ayaa fariin uu soo saaray ku bogaadiyey Shacabka deeegaanka.

Ugu horeyn Maamulka ayaa shacabka iyo Ciidanka u direy dhambaal farxadi ay ku dheehantahay ka dib howlgalkii gaarka ahaa ee laga fuliyey duleedka degmada Nambar 50 Ex Raaxoole.

Gudoomiye ku xigeenka dhanka siyaasada Maamulka Cabdow Abuukar Axmed ayaa shacabka ku bogaadiyey la shaqeynta Ciidamada aamaanka oo habeen iyo maalin usoo taagan difaaca iyo hanashada deegaanadooda oo lagu soo qaadayo dagaalo ujeedooyin badan laga leeyahay.

“Waxaan u hambalyeenayaa shacabka reer Nambar 50, oo si geesinima leh u muujiyey wadashaqeynta ay la leeyihiin wiilashooda ay ku aamineen nafsadooda, waxaan ku bogaadinaa hadii aan fariinba dirayo haka noogina in aad is garab taagtaan Ciidamadaiina habeen iyo maalin heegan u ah dhicinta Cadowga” ayuu yiri Gudoomiye ku xigeenka Siyaasada Maamulka Nambar 50 Cabdow Abuukar.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in guushii laga gaaray wadada loo yaqaan baldooska ee deexda ay sabab u ahaayeen Shacabka.

“Guushii aan ka gaarnay Cadawga, waxa sabab u ah Shacabka deegaanka, hadii Ciidan aanu haysan Shacab daacad ah, libintiisa waxbaa ka dhimin, sii wada dadaalada aad ku garab joogtiin Ciidamadiina” ayuu hadalkiisa ku daray Gudoomiye Cabdow Abuukar Axmeg.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open