Magaalada Garowe Oo Uu Ka Socdo Dhaqdhaqaaqii Ugu Dambeeyey Ee Lagu Soo Xulayo Xubnaha Aqalka Sare (Sawiro)

Magaalada Garowe ee Caasimada Puntland ayaa waxa ka socda dhaqdhaqii ugu dambeeyey ee lagu soo dooran lahaa xubnaha aqalka sare ee Puntland u matalaya Dowlada fedaraalka.

Madaxweynaha Puntland C/weli Maxame Cali Gaas ayaa lagu wadaa in 24-ka saac ee soo socda uu ku dhawaaqo xubnaha u tartamaya aqalka sare.

Sida ay Wararku sheegayaan , Madaxweynaha ayaa soo xulay Liis ka koobaan 33 Xubnood oo u tartamaya Aqalka Sare, beel kasta oo hal kursi la siiyey ayuu ka soo xulayaa saddex musharax, kuwasoo la filayo loo gudbinayo Barlamaanka Puntland.

5i2a4769 5i2a4781 5i2a4794 5i2a4795 5i2a4802 5i2a4803

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open