Maleeshiyada Shabaab Oo Dada Shacab Ah Siyaabooyin Kala Duwan Uga Afduubtay Inta U Dhaxeysa Afgooye Iyo Nambar 50 Ee Gobolka Shabeelada Hoose

Malaeeshiyada kooxda Shabaab ayaa siyaabooyin kala duwan u afduubtay dad Shacab ah oo kasoo jeeda Beesha Biimaal.

Afduubka hore ayaa ka dhacay meel duleedka kaga beegan deegaanka Muuri oo lagu magacaabo CAROOLE halkaas oo ay degenyihiin dad xoola dhaqata ah, waxaana deegaankaas ay ka wateen wiil lagu magacaabo Xuseen Walaal Ibraahim.

Lama oga halka ay wiilkaasi ula dhaqaaqeen iyo sababta kaliftay in ay wataan, waxaana la tuhunsansanyahay in ay u haaystaan dagaalkii jabka lagu gaarsiiyey ee xalay ka dhacey deexda Nambar 50, oo si aad ah aan uga fogeyn goobta lagu dagaalamay.

Dhanka kale aroornimadii saake deegaanka Cadow Dibile ayaa waxa lagu leexsaday Gaari Dheyna ah oo ka yimid dhanka Muqdisho, gaarigaas ayaa dadka u badan ee saarnaa waxa la sheegay in ay kasoo jeedaana Beesha Biimaal, waana dad isgu jira dhalinyaro, haween iyo Odayaal.

Gaariga dadkii saarnaa ayaa lagu soo waramayaa in la geeyey Deegaanka Sabiidka oo hoos tagta degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeelada hoose.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open