Mid Ka Mid Ah 135-ta Odey Ee Soo Xuleysa Baarlamaanka Oo Lagu Toogtay Muqdisho

Nabadoon ka mid ahaa 135-ta Odey ee looga fadhiyo inay soo xulaan Xildhibaanada Baarlamaanka fedaraalka ayaa galabta lagu toogtay magaalada Muqdisho.

Kooxo ku hubeysan bistoolado ayaa nabadoonka ku toogtay degmada Wadajir, waxaaana Nabadoonka lagu magacaabi jire Xasan Cadaan.

Waxa la sheegay in Ninkan la toogtay uu ka mid ahaa 135-ta Odey dhameed ee soo dhisay dowlada waqtigu ka idlaaday sanadii 2012-kii, waxaaana hada uu ku howlanaa dhismaha xildhibaanada cusub.

Dad goob joogayaal ah ayaa ku waramay in kooxaha hubeysan Nabadoonka ay kaga tageen dhaawac ahaan, waxaana dhaawaciisa la gaarsiiyey Isbitaalka Madiina oo Markii dambe uu ku geeriyooday.

Maleeshiyada Shabaab ayaa beegsada duqeyda dhaqanka iyo dadka ka shaqeeya hey’adaha kala duwan ee dowlada, mana jirto cid isku howshay in ay ka hortagto falalka lagu beegsanayo shacabka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open