Mooryaanta Habargidir (SWISSKALMO) Oo Gubay Guri Uu Leeyahay Nin Shacab Ah Oo Ku Yaalla Magaalada Marka

Mooryaanta Habargidir ee xooga ku saaran hey’ad beeleeda Swisskalmo ayaa gubay guri uu iska leeyahay Nin shacab ah oo ku yaala magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeelad hoose.

Guriga la gubay oo ku yaala dhabarka dambe ee Masaajidka Abaa Hureyra ayaa waxa iska lahaa nin lagu magacaabo Maadey Kuusow oo ka mid ah waxgaradka Beesha Biimaal.

Dad deris ah guriga ay gubeen Mooryaanta Swiss kalmo (Megda) ayaa sheegay in xalay fiidkii Mooryaana gaareysa ilaa shan ruux ay kala buriyeen dadkii meesha ku sugnaa oo xabado ay ku fureen, ka dibna ay gubeen guriga Maadey Kuuow.

Deriska Guriga ayaa laga diiday in demiyaan dabka oo ay uga baqdeen in uu saameeyo guryadooda oo inta badan ka sameysan dhis iyo waxyaalo kale oo sahli kara in dabka si fufud ku gaarao.

Waxaana la sheegayaa in dabkaasi uu waxyeelo gaarsiyey guri kale oo ku dheganaa guriga Mooryanata ay gubeen, mana jirn cid ku baxday daminta guryahaas ay dambka qabadsiiyeyy Mooryaanta.

Ficillida arxan la’aanta ah ee ay ku dhaqmnaa Mooryaanta ayaa u muuqdo kuwo xididada u siibaya jiritaankooda oo in muda ah usoo joogeen inay si xoog ah kusii haaystaan deegaanada Beesha Biimaal.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open