Walaal Hadii Aad Wax Baxsan Kartid Fadlan Ka Qeyb Qaado Qalab Iyo Adeeg Looga Baahanyahay Masaajid Ku Yaala Xaafada Buula-kuudka Ee Magaalada Marka (Sawiro)

Masaajid ku yaala Xaafada Buula-kuudka ee magaalada Marka ayaa Jamaacada Masaajidkaas waxay soo codsadeen in laga gacan siiyo sidii Masaajidka uu u heli lahaa cid kala qeyb qaatada qalab iyo adeegyo kale.

Jamaacada ayaa ugu horeyn u mhadcelisay Dadkii Masaajidkaad dhismihiisa ugu deeqay, waxaana ay dadka Muxsiniinta ah ee Alla wax u dhiibey ay weydiisteen in Makaroofan iyo adeeg Koronto oo Jamaacada u sahlaya in habeen iyo Maalin ay ugu cibaadeystaan.

Sawiro ay soo gaarsiiyeen Markacadey.com jamacada ayey kaga codsadeen in cid kasta oo wax tabaruci karta loo baahiyo si ay kaga qeyb qaataan ajarka aduun iyo aakhiro wax anfacaya.

Masaajidkan oo markii la dhisayey qeyb ka mid ah laga dhigay dugsi qur’aan sida Sawiradaba laga arki karo ayaan laheyn wax Koronto iyo Makrafoon.

Hadaba Walaalka Muslinka ahow hadii aad ka qeyb qaadaneysid sidii Masaajidkaas uu u heli lahaa adeegyada ay soo codsadeen Jamaacada Fadlan lasoo Xiriir Nambarkan 00252615659107.

m-14 m-1 m-2 m-3 m-4 m-6 m-7 m-8 m-9 m-10 m-11 m-12 m-17

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open