Dhageyso Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Gaashaandhigga Cabdale Xuseen Cali Oo Ku Faanay Guushii Ciidamada Deegaanka Ka Soo Hoyiyeen Dagaalkii Maleeshiyada Shabaab

Wasiir ku xigeenka wasaarada Gaashaandhigga xukuumada Fedaraalka Cabdalle Xuseen Cali oo aan looga baran in uu ka hadlao warbaahinta ama uu ka warbixiyo dagaalada ay galaan Ciidamada ka tirsan wasaaradooda ayaa si halhaleel leh ugu faanay guushii taariikhda gashay ee xalay Ciidamada deegaanka ay kasoo hoyiyeen dagaal duleedka nambar 50 ay kula galeen Maleeshiyada Shabaab.

Cabdalle Xuseen iyo xildhibaanada Beesha Biimaal u matala dowlada fedaraalka ayaa lagu yaqaanaa inay xaqiraan guulaha iyo Libinta ay gaaraan Ciidamada deegaanka, iyadoo dowlada ay ka tirsanyihiin kala xaajoon waayey xuquuqda Ciidamadan deegaanka ee u taaagan difaaca deegaandooda.

War uu siiyey Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Cabdale Xuseen wakaalada Wararka Sonna ayaa u dhignaa sida hoos ku qoran:-

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdala Xuseen Cali  ayaa  Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed SONNA u xaqiijiyay  in Duleedka Deegaanka NO.50 oo ka Tirsan Gobalka Shabeelaha Hoose lagu qaarijiyay 14 ka tirsan AL-Shabaab oo isugu jira Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad.

Wasiir Cabdala ayaa sidoo kale sheegay in Maleeshiyaadka la qaarijiyay ay qorsheynaayeen in ay Weeraro ka geestaan Deegaana ka tirsan Gobalka Shabeelaha Hoose lagana  furtay Hub fara badan ,islamarkaana laga gubay Gaarikagii ay Wateen Kooxdaasi.

Ugu dambeyn Wasiirk ku-xigeenka Difaaca Soomaaliya ayaa Dadka ku dhaqan Deegaankaas ugu Mahadceliyay Sida ay ula shaqeeyeen  Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed ,Islamarkaana  ay ugu soo gudbiyeen Xogaha ku saabsan Maleeshiyaadkaasi ka tirsan Kooxda Alshabaab.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open