K/galbeed Oo Diyaarisay Xubnaha Aqalka Sare Iyo Ibraahin Cali Xaaji Oo Booskiisa Ku Qortay Walaalkiis

War kasoo baxay Maamulka Koonfur galbeed ayaa lagu yiri in lasoo gudbiyey xubnaha aqalka sare ee Baarlamaanka ugu matalaya Beelaha kasoo kala jeeda deegaanada k/galbeed.

Madaxweyne Shariif Xasan ayaa sheegay in maamulkiisa uu dadaal badan ku bixiyay sidii loo diyaarin lahaa xubnaha Aqalka Sare u matalaya, isagoo xusay in dadaal badan kaddib la diyaariyay xubnaha wuxuuna intaa ku daray in xubnaha laga soo kala xulay deegaanada maamulkiisa uu ka taliyo.

Beesha Biimaal ayaa laba xubnood ka heshay guud ahaan isku darka 54-ta xubnoo0d ee aqalka sare, labadaas xubnood ayaa mid ka mid ah ka imaan doonta magaalada Kismaayo/jubbaland, halka xubinta kale laga soo dooran doono Maamulka K/galeed.

Ibraahin Cali Xaaji oo hogaamiya xisbiga Sharta ah islamarkaana xilli hore taabsaday hogaanka dhaqanka ee Beesha Biimaal ayaa inta badan jagooyinka dowlada dhexe ama tan koonfur galbeed ku safay shakhsiyaad isaga ka hoos shaqeeya, waxaana taas ay keentay in uu majaraha u qabto siyaasi walba oo xil haaya ama xil doon ah.

Marka laga gudbo doorashadan, maadaama ay dhamaan doonto shaqo uu qabto Odey ismagacaabay ayuu isku diyaariyey inuu ka mid noqdo Ibraahin xubnaha aqalka sare, gaar ahaan xubinta ka imaan doonta magaalada Baydhaba.

Iyadoo hada weli aan lasoo dhameystirin dhismaha Baarlamaanka ama dowlada cusub ayaa qabqable Ibraahin waxa ku adkaatay in uu isku qoro Liiska loo gudbiyey Shariif Xasan ee Maamulkiisa ku matalaya Aqalka sare.

Xog lagu kalsoonaan karo oo ay heshay Markacadey.com ayaa ku warameysa in Ibraahin uu liiska ku darsaday shakhsigii u firaaqeyn lahaa ama usii haayn lahaa kursiga aqalka sare, si marka loo dhameeyo shaqada dhismaha Baarlamaanka uu booskiisa faraha uga bixin.

Xuseen Cali Xaaji oo horey leysugu daray Wasiir ku xigeen iyo Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka K/galbeed ayaa hada kusoo baxay liiska aqalka sare, waxaana uu ahaan doonaa sii haayaha kursiga Aboogiisa oo ku mashquulsan dib usoo celinta xildhibaanada xil magooyayaasha ah oo mar kale tartan ugu jira inay kusoo laabtaan Baarlamaanka soo socda.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open