Maleeshiyada Alshabaab Oo Weerar Khasaare Dhaliyey Ku Qaaday Degmada Mandheera

Dagaalada kooxda Shahabaab ayaa weerar ku qaaday goob ay ka adeegtaan bulshada ku dhaqan magaalada Mandheera ee dalka Kenya.

Inta la ogyahay ilaa  6, qof ayaa ku geeriyootay tiro badana waala afduubtay, ka dib markii dagaalyahaano hubeysan ay weerareen goob laga bixiyo adeegyada bulshada oo lagu magacaabo Bulla.

Weerarka oo dhacay xalay xilli dambe ayaa Boliiska Mandheera waxay ku guuleysteen inay soo badbaadiyaan dad tiradooda ay gaareyso ilaa 27 qof oo goobta ay ku qabsadeen kooxda weerarka soo qaaday.

Gudoomiyaha Magaalada Mandheera ayaa sheegay in lexda qof ee geeriyootay iyo ku afduubka loo qabsaday intaba ay ahaayeen dad Kenyaan ah, hase ahaatee markii dambe lagu guuleystay kooxaha afduubka in gacantooda laga badbaadiyo 27 ka ruux.

Warar ayaa jira oo sheegaya in Ciidamada Boliiska ay la kulmeen qaraxyo, laakiin lama sheegin cid wax ku noqotay qaraxyada, waxaana saraakiisha amaanku sheegeen in markii hore ay ku adkaatay in ay soo badbaadiyaan Meydadka goobta lagu haaystay.

Saraakiisha amaanka ayaa weli tuhunsan in dhismaha la weeraray ay ku jiraan walxo qarxa oo ay goobta kaga tageen Shabaabka soo weeraray.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open