Raysalwasaarihii Hore Ee Dalka Portugal Oo Bedelaya Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobe

Raysalwasaarihii hore ee dalka Portugal António Guterres ayaa lagu wadaa inuu noqdo Xoghayaha cusub ee Qaramada Midoobay ee bedali doona Ban Ki Moon.

Dalalka xubnaha ka ah Golaha Amaanka ayaa shalay cod u qaaday wareega kowaad ee doorashada xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki Moon oo isagu horey u hayey xilkaasi ayaa ka degi doona jagadaasi sanadka soo socda.

Cod bixinta ka dhacay Golaha Amaanka ayaa ahayd mid qarsoodi ah, waxaase hada muuqata in António Guterres uu yahay Murashaxa ugu cododka badan, wallow ay la tartamayeen 9 murashax oo kale oo ay ku jiraan sadex haween ah.

António Guterres ayaa horey usoo noqday madaxa hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga UNHCR, xilka cusub ee loo magacaabay ayuu heyn doonaa muddo 5 sano ah.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE