Shakhsiga Beesha Biimaal Aqalka Sare Ugu Matali Lahaa Gobolada Jubbooyinka Oo Leysku Haaysto Iyo Isbaheysiga Sharta Oo Kismaayo Ku Wajahan

Beesha Biimaal oo laba xubnood ka heshay aqalka sare ee Dowlada ayaa mid ka mid ah kasoo gali doona Gobolada Jubbooyibka oo dhul badan ay beeshu ka degto.

Xubinta ka imaan doonta magaalada Kismaayo oo xarun u ah Maamulka Jubbaland ayaa waxa ka taagan isqab qabsi iyo muran badan oo ku aadan shakhsiga noqon lahaa ama xubnaha u tartami lahaa halkaasi kursi halkaasi yaala.

In ka badan 11 xubnood ayaa isu soo taagay inay u tartamaan kuriga, waxaana qaarkood ay hayaan xilal kala duwan, Markacadey.comĀ ayaa u suuragashay in ay hesho qaar ka mid ah magacyada xubnahaasi.

Waxaana ka mid ah, Ugaas Axmed Bile oo hada ah wasiir ka tirsan xukuumada fedaraalka, Suldaan Aadanow oo ah Nabadoonka guud Beesha Biimaala ee ku dhaqan Gobolada Jubbooyinka, Xildhibaan Nadiir oo ka mid ah Xildhubaanada Beesha Biimaal ee k/galbeed, Aqoonyahaan Cali Cabdiqaadir oo dhawaan ka yimid qurbaha in mudana ku maqnaa, Sheekh Xuseen Garweyne oo ku dhaqan dalka Uganda iyo xubno kale oo weli magacyadooda aan helin.

Isbaheysiga shartata ee Beesha u jooga magaalada Muqdisho ayaa dadaal ugu jira sidii halkaas kursi ay ugu garbeen lahaayeen sidii uu ku heli lahaa shakhsi ka mid ah xisbigooda maadaama inta badan xildhibaanada ka hoos shaqeeya Ibraahin Cali Xaaji iyo Awyare ay raja buuran ka qabaan in ay mar kale dib usoo laabtaan.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa Markacadey.com u xaqiijiyey in maalmaha soo socda shakhsiyaadka ay ka midka yihiin Ibraahin Cali Xaaji, C/raxmaan Ibbi, Cabdalle Xuseen Cali iyo Axmed Bile ay u safri doonaan magaalada Kismaayo si Madaxweynaha Jubbaland ay ugala xaajoodaan kursiga aqalka sar ee Beesha Biimaal ka yaala magaalada Kismaayo.

Isbaheysigan sharta ayaa ujeedkoodu yahay in Axmed Bile sidii uu ugu soo bixi lahaa kursigaasi, si afarta sano ee soo aadan ay u maamulaan siyaasada ay ku heleen dhiiga Wiilasha Beesha Biimaal ee naftooda u hurey ilaalinta magaca Beesha.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open