Warbixin Daaha Looga Rogay In Hay’ada WFP Ay Dhabar Jabineyso Wax Soo Saarka Dalka Iyo Xuriyadda Dhaqaalaha (Video)

Waxaanu Halkan idiinku soo gudbinaynaa Warbixin lagu Kashifay Sida Soomaalidu Niyada uga dhimatay, Iyagoo aaminay inayna isku Filnaan Karin ” Weligeed Ma Dawarsi iyo Gacan shisheeye ayaan ku Noolaanaynaa”?

Warbixinta ayaa lagu soo bandhigay Khasaaraha lagu Qabo Hay’adaha Shisheeye, Iyadoona si gaar ah loogu Xusay Hay’ada WFP, Iyadoo Raashinka ay Soomaalida u qaybiso uu yahay Hanbada ama Hadhaaga Maraykanku ay Bulshadooda u Quudhi waayaan, Iyadoona taasi Badalkeeda aan Hal Kiilo laga iibsan Beeraleyda Soomaaliya.

” Haddayna Soomaali ku dadaalin sidii looga maarmi lahaa hay’adaha ‘gargaarka’ ee shisheeye iyo dawarsiga, waligeen waxaan ku jiraynaa gacan shisheeye “.

Ugu danbayntii maamulada iyo Dawalada dhexe ee Soomaaliya ayaa loo Jeediyay inay Ogaadaan Dawarsigu dhibka uu Leeyahay, Hay’adaha Shisheeyana ay ku Khasbaan inay Beeraleyda Soomaalida wax ka iibsadaan, Sidoo kalana Ganacsatada ayaa loogu Baaqay inay maal-gelin ku sameeyaan Beeralayda Soomaalida iyagoo Yaraynaya badeecadaha ay Dibada ka keenayaan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open