Daawo War Saxaafadeed “Puntland Waxa Waajib Ku Ah Inay Iska Difaacdo Isbaheysiga Galmudug Iyo Shabaab Oo Dagaal Kusoo Qaaday Gaalkacyo”

Maamulka Puntland ayaa ku eedayey dhigooda Gal-mudug inay duulaan loogu aargudayo xubnihii lagu laayay degaanka Jeexdiin ay ku soo qaadaan Magaalada Galkacayo, kaasi oo dhaliyay khasaare isugu jira naf iyo maal oo soo gaaray dadka shacabka ah, Sida lagu sheegay war-murtiyeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Maanta.

War-murtiyeedka Waxaa kaloo  lagu sheegay in Puntland ay diyaar u tahay inay si buuxda uga difaacayso dalkeeda iyo dadkeeda waxay ugu yeereen duulaanka ay ku soo qaadeen Al-shabaab is bahaysigooda Galmudug ee doonaya inay u argudaan argagixsadii lagu laayay Jeexdin.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open