Degmada Nambar 50 Iyo Nawaaxigeeda Oo Caawa Xaalad Kacsanaan Ah Ay Ka Jirto, Iyo Ciidamada Deegaanka Oo Heegan Buuxa Ku Jira

Waxa caawa xaalad kacsanaan ah laga dareemayaa degmada Namnar 50 iyo deegaanada nawaaxigeeda ah ka dib markii laga war helay weeraro qorsheysan.

Warar lagu kalsoonaan karo oo laga helayo ila wareedyo kala duwan ayaa ku waramaya in dagaalyahaanada Kooxda Shabaab ay soo buux dhaafiyeen goobo kala duwan oo ay damacsanyihiin in ay ka weeraraan saldhigyada Ciidamada deegaanka iyo xarunta Ciidamada Amisom ee ku taala halka lagu magacaabo Aala-yaasir.

Maleeshiyaad badan oo ka tirsan Shabaab oo aad u hubeysan ayaa la sheegayaa in ay buux dhaafiyeen ilaa seddax aag oo laga yaabo in ay weerar ka qaadaan.

Goobaha la xaqiijiyey in Caawa ay ku dhuumaaleysanayaan ama ay isku aruursanayaan ayaa la sheegay in ka mid tahay beer uu xoog ku heysto Mooryaan lagu magacaabo Xuseen Mooryaan oo kasoo jeeda Maleeshiyada Habargidir.

Saraakiisha Ciidamada deegaanka oo si dhow ula socda dhaqdhaqaaqa isbaheysiga Maleeshiyada Shabaab iyo Mooryaanta Habargidr ayaa heegaan buuxa geliyey Ciidamada deegaanka, waxaana si la mid ah heegaan ku jira oo caawa sugaya weerarka Shabaab Ciidamada midowga Afrika ee Amisom oo laga yaabo in xaruntooda lagu weeraro.

Weerarkii jabka xoogan kasoo gaaray Maleeshiyada Shabaab dhowr maalin ka hor wixii ka dambeeyey ayaa waxay bilaabeen dhaqdhaqaaq Ciidan oo ay ku cabsi gelinayaan dadka hase ahaatee waxay ku dhiiran la’yihiin weli in weerar aargoosi ah soo qaadaan.

Wada shaqeyn buuxda oo ka dhaxeysa Ciidamada Deegaanka, Shacabka dulamanayaasha ah ee Beesha Biimaal iyo Ciidamada amisom ayaa sababtay in si toos ah iyo si dad banba loola socdo dhaqdhaqaaqa Masleehiyaadka isbaheysanaya ee ujeedooyinka kala duwan ka leh deegaanka Beesha Biimaal.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open