Amniyaatka Alshabaab Oo Dabagal Ku Hayso Labo Sarkaal Shabaab Ah Oo Ay Ku Tuhmayaan Inay Bixiyeen Xogta Maleeshiyadii Shabaabka Ee Lagu Xasuuqay Duleedka Degmada Lambar50 Ee G. Sh/hoose(Xog)

Waxaa todobaadkii hore howlgal ay fuliyeen ciidamada Ammaanka degmooyinka Marka iyo Lambar50 lagu dilay in ka badan 14 maleeshiyo oo ka tirsanaa Maleeshiyada Ururka Alshabaab, sidoo kale ciidamada ammaanka waxay soo furteen hub fara badan oo ay wateen Maleeshiyada la xasuuqay. Howlgalkaasi khasaaraha badan dhaliyey kadib waxaa soo ifbaxay tuhunno iyo kala shaki Alshabaab dhexdooda ah iyadoo farta lagu wada fiiqay shakhsiyaad ka tirsan Ururka Alshabaab inay bixiyeen xogta iyo dhaqdhaqaaqa maleeshiyadii Shabaabka ee lagu xasuuqay gobolka Shabeelaha Hoose.

Ilo xog-ogaal ah oo kala tirsan Wasaaradda Amniga dowladda Federalka iyo Alshabaab ayaa sheegeyso in qaar ka tirsan Horjoogeyaasha maleeshiyada Alshabaab ee ka howlgalo gobolka Sh/hoose ay madaxda Shabaabka u gudbiyeen dacwad ka dhan Shakhsiyaad Shabaab ah oo ay ku tuhunsan yihiin inay bixiyeen xog la xiriirto dhaqdhaqaaqa maleeshiyad todobaadkii hore lagu xasuuqay deegaan ku yaalo duleedka degmada Lambar50 ee gobolka Sh/hoose.

Madaxda Alshabaab ayaa Dacwada loo soo gudbiyey u xilsaaray Amniyaatka Shabaab si ay u soo baaraan shakhsiyaadka lagu tuhunsan yahay inay bixiyeen xogtii lagu xasuuqay ku dhowaad 20 maleeshiyo Shabaab ah. Amniyaatka Alshabaab ayaa durba bilaabay baaritaano ay ku sameynayaan Lambarada Telefoonada gacanta ee raga eedeysaneyaasha ah adeegsadaan. Amniyaatka Alshabaab ayaa waxay shirkadaha Isgaarsiinta Koonfurta Soomaaliya ku leeyihiin farsamo-yaqaano qaabilsan keydka wicitaanada (Call Directory-ga) kuwaasoo u soo daabacaayo Liiska inta qof ee ay is wacaan shakhsiyaatka Alshabaab dabagalka ku sameyneyso, arintan ayaa Amniyaatka u fududeyneyso xiriirka qofkaasi kala dhexeeyo qolada Alshabaab u yaqaaniin Cadowga Alle.

Sida ay sheegeyso xogta aan heleyno, waxaa Warqadda dacwadda ah ee madaxda Alshabaab loo gudbiyey ku qoran magacyada labo horjooge Alshabaab ah oo lagu kala magacaabo Sheekh Cabdi (Quumuu) iyo Cabdi Muuse.

Sheekh Cabdi Quumuu oo ah shakhsiga 1aad ee Shabaabka ku tuhunsan yihiin inuu bixiyey xogta maleeshiyadii tirada badneyd ee Shabaabka looga xasuuqay Sh/hoose todobaadkii hore ayaa  ah dagaal-geliye inta badan ka howlgalo degmooyinka Jannaale iyo Kurtinwaarey ee gobolka Sh/hoose, wuxuuna qabiil ahaan ka soo jeedaa beesha Biimaal. Sheekh Cabdi Quumuu oo horey ula soo shaqeeyey Ururkii Xisbul Islam ee burburay ayaa waxay Shabaabka ku eedeeyeen inuu gacansaar la leeyahay ciidamada iyo maamulada dowladda Federalka ee ka dhisan degmooyinka beeshiisa degto ee gobolka Sh/hoose.

Cabdi Muuse oo ah ninka 2aad ee laga gudbiyey dacwadda ayaa isagana ka soo jeedo beesha Biimaal, wuxuuna  ka tirsan yahay Maktabka Dacwada ee Alshabaab, waxay Shabaabka ku eedeeyeen inuu xiriir wanaagsan la leeyahay ciidamada ay isku haybta yihiin ee ku sugan gobolka Sh/hoose. Waxay Shabaabka xili hore Cabdi Muuse ka joojiyeen Duruus iyo Kutubo uu ku akhrin jiray masaajid ku yaallo degmada Baraawe xiligii Shabaabka ka talinayeen halkaasi isagoo xiligaasi lagu tuhunsanaa inuu xiriir dhow la lahaa Ibrahim Afgaan iyo Macalin Burhaan oo labaduba Shabaabka ay Baraawe ku toogteen. Sidoo kale, Cabdi Muuse waxay Shabaabka ku tuhunsan yihiin inuu doonayo baxsasho maadaama uu xiriir dhow la leeyahay Maxamed Saciid Atam oo sanadkii hore Shabaabka ka soo goostay.

Sarkaal ka tirsan ciidamada Ammaanka oo ku sugan degmada Marka isla markaasina qayb ka ahaa howlgalkii todobaadkii hore lagu xasuuqay tobaneeyo Shabaab ah ayaa u sheegay shabakadda Markacadey.com in  Sheekh Cabdi Quumuu uu yahay shakhsi wanaagsan oo aanan ku qanacsaneyn fikirka xagjirnimada ah ee Alshabaab isla markaasina uu danahiisa ka fiirsado Shabaabka dhexdooda. Sarkaalkan inoo waramay ayaa ka gaabsaday in Sheekh Cabdi Quumuu iyo Cabdi Muuse uu midkood bixiyey xogta Maleeshiyadii Shabaabka Sh/hoose looga xasuuqay usbuucii hore.

Amniyaatka Alshabaab ayaa lagu yaqaanaa inaysan talaabo degdeg ah qaadin ilaa ay baaritaankooda ka soo dhameystaan, waxayna xoogga saarayaan Lambarada uu la xiriiray eedeysanaha ay markaasi Kiiskiisa gacanta ku hayaan, waxaana la saadaalinayaa in Sheekh Cabdi Quumuu iyo Cabdi Muuse dhowaan laga wici doono degmada Jilib ama deegaanka Kuunyo Barrow halkaasoo dacwadooda Jaasuusnimada la xiriirto lagu qaadayo, waxayna u badan tahay in labadan Sarkaal ay muteystaan Dil Toogasho/Gowracid ah.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open