Ciidamada Amisom Oo Ka Hadlay Arin Ka Dhacday Degmada Jannaale

Hogaanka ciidamada Amisom ee Soomaaliya ayaa beeniyay fal lagu eedeeyay in ay dhowaan ka geysteen deegaan hoos taga degmada Jannaale.

Hogaanka ciidamada Amisom ayaa ku sheegay Bayaan ay soo saareen in aysan jirin cid rayid ah oo ay ku dileen deegaanka Faranko oo hoos yimaada degmada Jannaale.

Ciidamada Amisom ayaa intaa ku daray in ay jiraan in ay madaafiic ku riden goobo ay dhaqdhaqaaq ciidan ka sameeyeen Alshabaab laakin aysan jirin cid rayid ah oo ay wax ka soo agareen.

Dhowaan ayay ahayd markii ay warbaahinta soomalida ay baahiyen in dad rayid ah oo ay ku jiraan 6 qof oo hal qoys ka soo wadajeeda ay ku dhinteen duqeyn ay ciidamada Amisom u geysteen laba guri oo ku yaala deegaanka Franko oo 5 KM u jira degmada Jannaale.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open