Qabqable Xaaf Oo Reer Gaalkacyo Ku Bogaadiyey Dagaal Hor Leh, Ka Dib Xiisadda Puntland Iyo Galmudug

Qabqable Xaaf oo kamid ah Xildhibaanada fedaraalka, ee kasoo Jeeda Deegaanada Galmudug ayaa ku dhawaaqey Dagaal ka dhan ah maamulka Puntland, ka dib xiisad ka dhex oloolsan Maamulada Galmudug iyo Puntland.

Xaaf ayaa marki uu ku hungoobay Garoonka Nambar 50, ayaa wuxuu bilaabay in dagaal ka abuubulo deegaanada uu kasoo jeedo oo uu markii hore kasoo hayaamay.

Wuxuu ugu baaqay shacabka in ay qaadaan duulaan ay kaga aargudanayaan Maamulka ka aramiya Waqooyiga Gaalkacyo ee Puntland, isgoo hadalkiisa ku daray in dagaal, dagaal leysaga fujin karo.

Qabqablhana lagu xasuusto xasuuqa Beesha Biimaal ee deegaanada Nambar 50 iyo Muuri ayaa marmarsiyo ka digtay bayaan kasoo baxay Madaxtooyada Puntland oo lagu sheegay in shacabka Puntland ay waajib ku tahay inay iska difaacaan duulaanka isbaheysiga ah ee Sharwadayaasha Shabaab iyo Maleeshiyada C/kariin Xuseen Guuleed.

Waxa horey u jirtay xiisad labada maamul u dhaxeysay oo  ka dhalatay weerarada iyo qaraxyada ka dhaca Waqooyiga Puntland oo intooda badan laga abaabulo Koonfurta oo ay maamulaan Maamulka Galmudug.

Xiisadan oo si gaar ah ay u abaabulayaan siyaasiyiinta Galmudug ayaa u muuqata mid lagu difaacayo Shabaabka ku dhuumaaleysanaya deegaanada Galmudug oo qaska ka wada Gobolada dhexe ilaa Gobolada Bari ee Soomaaliya.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open