Qarax Khasaare Dhaliyey Oo Ka Dhacay Degmada Dayniile Ee Gobolka Banaadir

Wararka aan ka heleyno degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir ayaa ku waramaya in qarax xoogan uu ka dhacay degmadaasi.

Qaraxa oo la sheegay in uu ahaa Miino dhulka lagu aasay ayaa lagu soo waramayaa in lagu sii diyaariyey goob maqaaxi ah oo ay ku shaahaan dad shacab ah iyo Ciidamo ka tirsan kuwa dowlada.

Maqaayada lagu aasay qaraxa ayaa ku taala xaafada Siisii ee degmada Dayniile, waxaana xilligii qaraxa dhacayey ku sugaan tiro askar ah oo ka tirsan Ciidamada dowlada, gelinka dambe ee maalintii ayaa maqaayada waxa ku kulma Ciidanka.

Sida ay xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah hal askari ayaa ku geeriyooday qaraxa halka ay ku dhaawacmeen dhowr askari oo ku sugnaa Maqaayada.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaaha amniga ee degmada Dayniile ee ku aadan qaraxa Maqaayada xaafada Siisii, waxaana degmooyinka Gobolka Banaadir badankooda ka dhaca weeraro qaraxya ah oo ay fuliyaan maleeshiyada Shabaab.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open