Wararkii Ugu Dambeeyey Dagaal Culus Oo Maanta Ka Dhacay Duleedka Deegaanka Nambar 60 Ee Gobolka Shabeelada Hoose

Waxa maanta dagaal culus uu ka dhacay deegaanka Fida-carooti oo duleedka Bari kaga beegaan deegaanka Nambar 60 ee Gobolka Shabeelada hoose.

Dagaal qaatay muddo saacada ah ayaa u dhaxeeyey Ciidmada deegaanka ee Beesha Biimaal iyo isbaheysiga Maleshiyaadka Shabaab iyo Mooryaanta Habargidir.

Dagaalka ayaa yimid ka gadaal markii ay kulmeen Ciidamada deegaanka oo howlgal ka sameenaya deegaanka dagaalka uu ka dhacay iyo Maleeshiyaad isku aruursanaya halkaasi.

Saraakiisha Ciidamada deegaanka ayaa ku waramay in dagaal qaatay muddo saacad ah ka dib ay kala Eryeen Mooryaanta Habargidir iyo Maleeshiyada isbaheysaneysa, ayna howlgalka u fuliyeen sidii loogu talagalay.

Ma jiro wax khasaare ah oo laga soo sheegay dagaalka dhexmaray Ciidamada deegaanka iyo Isbaheysiga wajiyada badan ee danaha kala duwan ka leh deegaanada Beesha Biimaal.

Howlagalada lagu baacsanayo Isbaheysigan ayaa mudooyinkan si aad ah uga socda deegaanada ay degto Beesha Biimaal, waxaana saacadihii ugu dambeeyey holwgallo kala duwan ay ka dhaceen deegaano iyo saldhigyo ay ku dhuumaaleystaan Maleeshiyada Shabaab iyo Mooryaanta xooga ku haaysata Beeraha Biimaal.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open