Xaaladda Gaalkacayo Oo Degan Iyo Hub Isku Aruursi Laga Dareemayo Dhinacyada Dagaalamay

Xaaladda magaalada Gaalkacayo ayaa deggan ka dib markii ay shalay ka dhaceen dagaallo dhex maray maamulada Galmudug iyo Puntland, waxaana la dareemayaa xiisada culus oo weli ka taagan goobaha lagu dagaalamy .

Madaxda dowlada fedaraalka oo la tuhunsanyahay in ay ku lug leeyihiin hurinta colaada ayaa soo saaray Warsaxaafadeed lagu sheegay in Madashada Hoggaanka Qaranka ee Soomaaliya ay ugu baaqayso Puntland iyo Galmudug inay si deg-deg colaada labada dhinac.

Waxa jirta cabsi ay qabaan dadka Shacabka ah oo aan weli ku kalsoonaanin in ay u dareeraan shaqooyinkooda iyo goobaha waxbarasho, waxaana xilliyada qaar la maqlaa rasaas teelteel ah.

Goobaha lgu dagaalamay ayaa weli waxa isku hor fadhiya Maleeshiyada labada Maamul ee shalay dirirtu dhex martay, waxaana saacad kasta laga cabsi qabaa in ay ku dagaalamaan goobaha ay isku hor fadhiyaan. maadaama ay goobaha dagaalka soo kala Ciidamo gurmad u ah dhinacyada dagaalamaya.

Shacabka magaalada Gaalkacyo gaar ahaan kuwa ka ag dhow goobah lagu dagaalamayo ayaa bilaabay in ay guryahooda ka barakacaan, waxaana naftooda ay la aadeen goobaha ka fog dirirta.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open