Xog:Madaxweyne Shariif Xasan Oo 10-Oktobar Ku Dhawaaqaya Madaxweyne Ku Xigeenka K.Galbeed(magaca shakhsiga Loo magacaabayo)

Xog hoose oo ay heshay shabakadda Markacadey.com ayaa sheegeysa in madaxweynaha maamulka K.Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan uu dhowaan ku dhawaaqi doono madaxweyne ku xigeenka K.Galbeed.

Xogtan aan ka soo xiganay ilo aad loogu kalsoon yahay ayaa sheegeysa in madaxweyne Shariif Xasan uu go’aan ku gaaray in uu xilka madaxweyne ku xigenka K.Galbeed uu u magacaabo Maxamed Xasan Fiqi oo hadda ah wasiirka Beeraha iyo Waraabka K.Galbeed.

Ilaha warkan aan ka soo xiganay ayaa intaa ku daray in madaxweynaha K.Galbeed uu 10-ka bishan Oktobar ku dhawaaqi doono in Maxamed Xasan Fiqi jagadaas loo magacaabay.

Markacadey.com si buuxda uma xaqiijin karto in magacaabista ay sidaas u dhaceyso, waxaana dhici karta in ay wax iska bedelaan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open