Akhri Magacyada:Ibrahim Cali Xaaji Oo Walaalkiis Iyo Ina-adeerkiis U Soo Sharaxay Aqalka Sare

Sida Shabakadda Markacadey.com ay horay u faafisay Ibrahim Cali Xaaji ayaa aqalka sare xubinta uga soo galeysa beesha Biimaal maamulka K.Galbeed waxa uu u soo sharaxay laba qof oo qaraabadiisa hoose ah.

Labada xubnood ee uu u soo sharaxay aqalka sare ayaa kala ah Xuseen Cali Xaaji oo ah walaalkiis la dhashay iyo Cabdullahi Maxame Cabi oo ah wiil dhalinyara ah oo ay qaraabo yihiin.

Xuseen Cali Xaaji ayaa hadda isku haya laba jago oo kala ah wasiir ku xigeenka arimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee maamulka K.Galbeed iyo xubin ka tirsan baarlamaanka K.Galbeed.

Cabdullahi Maxamed Cabdi ayaa isagana ah shakhsi ay ilmo-adeero yihiin Ibrahim Cali Xaaji, kuna nool gurigiisa, lacagta musharaxnimadana uu isaga ka bixiyay.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open