Akhri Qaab-dhismeedka Maamul ee Ururka Ilaaliyaasha Shacabka Shabellada Hoose Ee Dhowaan Marka Looga Dhawaaqay

Waxaa dhowaan magaalada Marka looga dhawaaqay ururka Ilaaliyayaasha Shacabka Shabellada Hoose, waxaana xafladii looga dhawaaqayay goob joog ka ahaa gudoomiyaasha degmooyinka Marka iyo Afgooye Maxamed Cusmaan Yariisow iyo Cabdiqani Booli-moog.

Waxaa sidoo kale madashii looga dhawaaqay ururkan goobjoog ka ahaa waxgarad, Odaydhaqameed, Culumaa’udiin, oo dhamaantood soo dhaweeyay ururka cusub ee lagu dhawaaqay.

Haddaba, qaabdhismeedka ururkan ayaa ah sida tan:

1. Cabdullahi Waafow Axmed Madaxa ururka
2. Sheekh Saalax xaaji Ibrahim Madaxa ciidmada mutadawiciinta ururka
3. Maxamed Cusmaan Yariisow madaxa isku dubaridka ciidamada mutadawiciinta
4. Cabdiqani Yusuf Boligoog Madaxa taakuleynta, ahna afhayeenka ururka

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open