Madaxda Lamagac Baxday Madasha Wadatashiyada Qaran Oo Maalinta Beri Ah Shir Uga Furmayo Magaalada Muqdisho

Waxa magaalada Muqdisho maanta gaaray inta badan Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada dalka qaarkood, halka kuwo kale ay gaari doonaan maalinta berita ah.

Madaxda gaartay Muqdisho iyo kuwa la sugayo maalinta berita ah ayaa lagu wadaa in ay yeeshaan shirka Madasha Wadatashiyada qaran ee looga arinsanyo arimaha doorashooyinka.

Qodobada laga wada hadli doono ayaa ilo xog ogaal ah waxay sheegayaan in ay ku jiraan tabashooyinka ay qabaan Beelaha kasoo jeeda Somaliland, dib u dhaca doorashooyinka iyo dhaqaalaha lagu socodsiin lahaa doorashada.

Shirkan ayaa sida la shegay noqon doona kii ugu dambeeyey ee ay wada yeeshaan Madaxda Madasha ka hor inta aan la gaarin doorashooyinka dalka oo la filayo in ay qabsoonto bishan hada socota Oktoobar iyo bisha kale soo aadan ee Novembar.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open