Dagaal Mudo Kooban Socday Oo Galabta Ka Dhacay Duleedka Magaalada Gaalkacyo

Dagaal muddo kooban socday ayaa galabta ka dhacay duleedka galbeed ee magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug. Goobaha rasaasta laga maqlay ayaa ah meelo u dhow Maxjarka Xoolaha ee dhowaan Puntland ay ka dhistay galbeedka magaalada Galkacyo oo maalmihii la soo dhaafay noqday aag dagaal.

Dagaalka ayaa u dhexeeyey ciidamo kala taabacsan maamulada Puntland iyo GalMudug oo maalmihii la soo dhaafay dagaal khasaaro geystay uu ku dhexmarayey gudaha iyo daafaha magaalada Galkacayo.

Ilaa hadda ma la oga khasaaraha ka dhashay hubka la isku weydaarsaday Galkacyo iyadoo dhawaqa rasaasta si aad ah looga maqlay xaafadaha ku yaalo galbeedka Galkacayo gaar ahaan xaafadda Garsoor.

 

Dagaalka galabtan dhacay ayaa ku soo beegmayo xili shaley Waxgarad iyo Nabadoono ay sheegeen in la kala qaadayo ciidamada Puntland iyo Galmudug ee ku dagaalamay magaalada Galkacyo.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open