Dowladda Itoobiya Oo Ku Dhawaaqday In Xilal Ay U Magacaabeyso Qowmiyadaha Gadoodsan Iyadoo Eedeymo Culus Usoo Jeedisay Dalka Masar

Mas’uuliyiinta dowladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqay inay wada xaajood la gali doonaan xisbiyada mucaaradka ee Itoobiya si xal looga gaaro cabashada ay qabaan Qowmiyadaha Oromada iyo Amxaarada.

Wasiirka warfaafinta Itoobiya Getachew Reda ayaa sheegay in mudo laba isbuuc gudahood isku shaandhayn balaaran lagu sameyn doono golaha wasiirada xukumada Itoobiya si loo xaliyo cabashooyinka ay qabaan Qowmiyadaha gadoodsan ee Amxaarada iyo Oromada.

Dhanka kale, mas’uuliyiinta ugu sareyso Itoobiya ayaa dalka Masar ku eedeyey inay ku lug leedahay xasradaha iyo qul qulatooyinka ka socda gudaha Itoobiya.

Wasiirka warfaafinta Itoobiya Getachew Reda oo shir jaraaid ku qabtay Addis Ababa ayaa farta ku fiiqay dalka Masar oo uu sheegay in mucaaradka Itoobiya ay siinayaan taageero dhaqaale toos ah isla markaasina maleeshiyaad ay tababartay Masar xiligan hub ku dhex haystaan magaalooyin ku yaalo dalka Itoobiya.

Ra’iisulwasaaraha dalka Ethiopia hailemariam desalegn ayaa ayaa dhankiisa khudbad uu jeediyey ku sheegay in faro gelin shisheeye ku qarsan tahay rabshadaha ka aloosan xiligan wadanka Itoobiya.

Amniga guud ee dalka Itoobiya ayaa khalkhal xoog leh uu xiligan ka jiraa, waxaana magaalooyinka ay degaan qowmiyadaha Oromada iyo Amxaaradaha dhex yaacayo dabley hubeysan oo beegsanaayo ciidamada daacadda u ah dowladda Itoobiya.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open