Gooni U Istaagga Gobolada Waqooyi – W/Q: Mohamed Sh. Musa Farah

Waxaa laysku tijaabinayaa intii awoodu saamaxayso in warbixin iyo sharaxaad qoraal laga sameeyo hawsha ku saabsan:
-Gooni u istaagga Gobolada Waqooyi (G.W= Gobolada Waqooyi).

-Midnimada Gobolada Waqooyi & Gobolada Koofur (G.W & G.K =  Gobolada Waqooyi & Gobolada Koofur).

Hor-u-dhac

Sidoo kale waxaa la doorbidayaa in laysweydiiyo laba su’aaladood ee ka jawaabistooda laysleeyahay waxaa kasoo bixikara xalka ugu habboon in ladhaxlo, walow hawshu tahay mid aad u culus oon sahlaneyn, marka laga eego xag siyaasadeed iyo xag ka warbxineed; waxayna kala yihiin:
1)- Gooni u istaagga G.W sidee loo arkaa, maxaase sababay?

2) – Israaca G.W & G.K sidee iyana loo arkaa, maxaase fududeeyey hirgalintooda?

Waa su’aalo ay kasoo bixikaraan jawaabo xambaarsan aragtiyo kaladuwan, una baahan in sibuuxda ee taxadar leh loo tifaftiro; siiba dhacdooyinkii sababay inuu curto kacdoonkii ku dhawaaqay, hirgaliyeyna gooni u istaagga G.W.

Waxaa kaloo iyana loo baahanyahay in la’ifiyo, lana sharaxo sababaha horseeday, fududeeyeyna midowga G.W & G.K.

Inta aan lagudagalin su’aalaha ku xusan qodobada 1aad & 2aad waxaa laga cudurdaaranayaa, hoostana laga xarriiqayaa in markahore la abbaaridoona arrimaha ku jahaysan aragtida siyaasadeed oo kaliya halka la saari lahaa culays lamida ah kuwa ku xusan taariikhda ee qofkasta la socdo ama ogsoon yahay. Saa awgeed waxaa muhiimadda la siinayaa marka kawood ka warbixinta iyo sharaxaadda su’aasha ku qotonta qodobka2aad (Israaca G.W & G.K) ee la aaminsan yahay inay fududeeyndoonto, dhabahana u xaaridoonto ka jawaabista su’aasha ku xusan qodobka  1aad(Gooni u istaaga G.W).

Falaqayn

Qodobka  2aadisraaca G.W & G.K. sidee loo arkaa, maxaase fududeeyey hirgalintooda.

Waxaa la ifinayaa hoostana laga xarriiqayaa in waqtigii israaca hirgalay uu jiray jawi ay ku dheehnayd niyadsami xabbaarsan jaceel midnimo shanta Soomaali (Ex Italiyan, Ex England, Ex France, Soomaali galbeed iyo NFD).

Aragtidaas waxaa loo xusay loona arkay inay ahayd mid habboon laakiin ay qaldantay habka loo abbaaray loona hirgaliyey ee ahayd mid ku salaysan jaceel laablakac xambaarsan halka laga baaraandagi lahaa waxa xaqiiqadu ku fadhiday ama ay saamaxaysay. Waayo, waxaa habboonaan lahayd in labada gobol (G.W & G.K) midkasta markay qaadatay xorriyadeeda gooni iskeeda isku tijaabiso muddo aan ka yarayn labo ilaa saddex sano, si qaybkasta u hesho waqti ay ku turxaanbixiso howlaha ku saabsan hirgalinta midnimada iyadoo ugu dambeynta loo saaro guddi isku dhaf ah ee soo diyaariya dastuurkii lagu midowbilahaa, dabadeedna loo qaado afti ku hirgasha hal-qof hal-cod.  Taas, ayaa laysleeyahay waxay abuuri kari lahayd midnimo ku qotanta aasaas qotodheer oo tiirarkiisu adagyihiin, lagana dhaxli karilahaa hab raadraac fiican ee loo maro hirgalinta midnimada shanta Soomaaliyeed.

Sida ay ku habboonaan lahayd haddii kalkaas looga talaabsado, loona gudbo wixii dhacay ama lala kulmay midnimada kadib waxaa la garwaacsan karayaa in loo kalaqaato laba waqti maamuleed ee midna yahay waqtigii maamulka madaniga ka jiray dalka (lixdameeyadii), kan kalana yahay waqtigii maamulka milatariga ka jiray dalka (todabaatameeyedii iyo sideetameeyadii).

Maamulkii Madaniga ee Dalka

Waxaa la tilmaami karayaaa in waqtigii maamulka madaniga ka jiray dalka midnimada Soomaaliweyn hamigii looqabay ahaa mid rajadiisu saa u buurnayn, balse dhinaca kale ay jirtay dareen fikradeed ee dadka ku abuurayey rajo bilow fiican samaynaysa oo laga dhaxli kari lahaa natiijo wax ku ool ah; siiba xilligii uu wasiirka koowaad ahaa Mudane Maxamed Ibraahim Cigaal ee ka soo jeeday G.W.

Falsafadda ay ku qototantay siyaasadda Mudane Cigaal ee xilligii maamulka Dalka isaga majalaha u hayey waxay xusaysay in xal dagaal milatari ka dambeeyo aan loo marin midnimada gobolada maqan, balse loo maro mid ku dhisan waddo ifinaysa aaraada ku qeexan mabaadi’da dimoqraadiyadda ee Beesha Caalamku aaminsan tahay si berri ayidaaddeeda loo kasbado marka  loo baahdo. Mabaadi’daas waxay tilmaameysaa in qowmidiyaha Soomaaliyeed ee hoos yimaada maamulada xukuumadaha Ethiopian iyo Kenya aan marna loo arkin loolana dhaqmin kuwo xuquuqdooda iyo noloshooda ka hoosayso (Second class citizen) tan shicibka dowladahaas ilaa laga helo  ama laga gaaro xal ku salaysan is-afragad arimaha aayo-katalinta dhulka iyo qowmidiyaha Soomaaliyeed iyadoo lala kaashanayo Beesha Caalamka.

Maalmulkii Milatariya ee Dalka

Inkastoo bilowgii hore shicibka Soomaaliyeed u riyaaqay una soo dhaweeyey maamulkii milatariga si mid wax weyn ka badali doona musuqmaasuqii baahsanaa ee dalka iyo ummaddisa ku habsaday; balse runtii xaqiiqadu iskugusoo biyo-shubatay midda ka turjumeysa natiijada oraahdii Soomaaliyeed ee caanka ahayd oranaysana ‘Kud ka guur qanjo u guur’. Haddii la sii raadraaco waxaa la oran karayaa in waqtigii xukunka milatariga iskiisa loo kala qaadikaro  laba maamul ee midna yahay maamulkii GOLIHII KACAANKA kankalana yahay maamulkii XISBIGA HANTI WADAAGGA. Kan hore (MGK) xiligiisii waxaa loo aqrinsan karayaa maamul ku shaqaynayey xukunwadaag aan saa u sii buurnayn; kan dambana (MXH) mid ku dhisanaa xukunbeeleedyo ummadda loo afduubay sida Soomaalida badankeeda ay aaminsantahay. Labada nooc maamul waxay ka midaysan yihiin inay ku shaqaysan jireen waxna ku fulisan jireen hay’adihii kala ahaa NABAD SUGIDDA SOOMAALIYEED iyo MAXKAMADDII BADBAADA; kuwaasoo, bilcakis ummadda Soomaaliyeed u taqaanay hay’adihii loogu talagalay in lagu caburiyo rabitaankooda iyo xorriyaddooda.

Xukunkii milatariga wuxuu ummadda Soomaaliyeed dhaxalsiiyey dhib baaxad weyn aadna u xanuun badan, siiba markuu horseeday dagaal aan lagala tashan rabitaankooda; Soomaaliduna u taqaan dagaalkii 77.  Natiijada dagaalkaas waxay noqotay fashilaad ay ummadda Soomaaliyeed  ka qooma-meyso maadaama wiilal badan oo aad qaali u ahaa ku waayeen naftooda, sidaasna qoysas  badan ku agoomoobeen.

Fashilaaddii dagaal ka dib, waxaa nasiibdarro kale noqotay in dowladdii milatariga halkey xukun ka fadhiisan lahayd sida dhaqanka suuban ee caalamku qabo, waxay sameysay laba-kaclayn ay xukunka ku siiwadato iyadoo cadaadin, caburin iyo cagajuglayn kula dhaqantay ummadda Soomaaliyeed ay xukumeysay.

Sida la filankarayey waxaa aakhiritaankii curtay jabhado ka soo horjeeda xukunkii milatariga; kuwaasoo ugu dambeyntii awoodii dowladda kala tuuray gabigeeda aakhiritaankiina ka takhalusay.

Waxa kaliya ee ummadda Soomaaliyeed u aragto natiijo ay soo hooysey Dowladdii Milatariga waa qorista Afka Soomaaliga oo waayo badan soo jiitamayey, la’aantoodna lagaari lahayn xal fudud, siiba in qorista Af-Soomaaliga lagu dabaqo xarfaha far-laatiinka.

Dhibaato iyo fashilaad tii uguxumayd waxay ummadda Soomaaliyeed la soo daristay markii jabhadihii ka guuleystay xukunkii Dowladdii Milatariga halkii ay ka dhisi lahaayeen dowlad wadaag xukunka la wareegta, waxay nasiibdarro aan la filaynin guushii u badaleen dagaal qabyaaladeed oo burbur, argagax, niyad-xumi iyo aayatiin rajabeel wata ku salaameen ummadda Soomaaliyeed.

Waxaasoo dhib iyo khasaare iswata ee ku habsaday ummadda Soomaaliyeed waxaa loo aanaynayaa badankooda dareen iyo danqansho la’aanta ay muujiyeen qabqab-layaasha siyaasadda iyo beel dhaqameedyada ka soo jeeda beelaha Daarood iyo Hawiye qaarkood; kuwaasoo ilaa maantadaan shicibka Soomaaliyeed u arko inay ku yartahay Soomaalinimada kuna xoog badan tahay qabyaaladda iyo sadburgiga, sababtaasna u hortaagan yihiin wali in dalku hanto dowlad iyo maamul cadaalad ku dhisan ee soo celiya sharafti iyo karaamadii ummadda Soomaaliyeed ku lahaan jirtay Adduun Weynaha.

Qodobka 1aad-Gooni u istaagga G.W sidee loo arkaa, maxaase sababay.

Sida ay u muuqato waxaa la dhihi karayaa gooni u istaagga G.W waxaa sababay laba dhacdo oo kala ah:

b)- Tacdiyaddii iyo xadgudubyaddii foosha xumaa ee ciidanka Dowladdii Milatariga u geystay ummadda ku nool G.W

t)- Iskaashigii iyo axdigii ay wadagaleen jabhadihii xukunka ka tuuray Dowladdi Milatariga oo qaybtii koofureed jabisay markay iskeeda ugu dhawaaqday Dowlad ay dhismaheeda kala tashan kana qayb galin qaybtii waqooyi.

Qodobka b)- waxaa la ifinayaa hoostana laga xariiqayaa in tacdiyadii iyo xadgudubyadii foosha xumaa ee Dowladdii Milatariga ka geysatay G.W ay ugu xumaayeen ficil ahaan markay adeegsatay dayuurado dagaal sidii iyadoo la dagaalamaysa wadan shisheeye oo ku soo duulay Soomaaliya; Taasna kuma aysan ekaan ee waxay soo ijaaratay duuliyaal ajnabi calooshood u shaqaystayaal ah markii kuwii Soomaaliyeed gacmaha ka laabteen inay kaxeeyaan dayuuradahooda. Falkaas aadka u qalafsan una foosha xun wuxuu muujinayaa heerka ay gaarsiisaneyd cadowtinimada arxandarrada xambaarsan ee Dowladda Milatariga u qabtay shicibka ku nool G.W. Marka, soo lama dhihi karo Dowladdii ficilkaan fulisay waa mid habayaraatee aan marna sheegan karayn kana turjumi karayn Dowlad Soomaaliyeed,  balse ay ahayd Dowlad ku sheeg ku sifowday calool u shaqeysato, xaaraanna ku xukumeysay  ummadda iyo dalka Soomaaliyeed . Dhacdadaas, soo ma sii foolxumaaneyso oo ma noqoneyso wax laga argagaxo markii dadka saa loo gumaaday ay ahaayeen isla kuwii shalay midnimada la soo orday iyagoon habayaraatee ku xirin wax sharuud aan ka hayn rabitaan midnimo Soomaaliweyn.

Hadabda, sida xaqiiqu ka marag kacayso gooni u istaaga G.W soo uma muuqan karayo ficil lafilankaray oo meesha ku jiray, siiba marka aan laga leex leexaneyn waxay xaqiiqadu tahay. Waxaa kaloo la rumaysan yahay in maalin maalmaha ka mid ah lahor keeni doono sharciga cid’alaale oo ku lug lahayd hawsha gumaadka loo geystay ummadda G.W.

Qaybta t)- axdigii jabhada ay wada galeen hadduu u fulilahaa sidii loogu talagay waxaa meesha kabixi lahayd baahi keenta curashada gooni u istaagga  G.W, waayoo waxaa dhismi lahayd dowlad cusub  ay jabhaduhu wadaagaan ( G.W & G.K).

Waxaa markale la muujin karayaa in haddii laiskudari dhibkii iyo tacdiyaddii Dowladdii Milatariga ka geystay G.W iyo axdigii ay jabiyeen jabhadihii G.K, gooni u istaagga G.W marna loo arkikarayn ama loo fasirankarayn wax meel ka dhac ku ahGobolada Koofureed balse uu yahay ficil ka abuurmay xilkasnimo la’aanta iyo aragti xumida ka timid siyaasiyiinta iyo oday beel dhaqameedka G.K.

GUNAANAD

Isku-soo-duuduuboo su’aasha waxay noqonaysaa:-  Maxaa xal loo arki karaa?

Sida horayba loosoo ifiyey waa in dib loogu noqdaa halka uu ka bilowday israacii labada gobol (G.W & G.K) iyadoo goortaan ama waqtigaan laga feejignaan doono in la raaco wixii ku yimid jacayl Soomaaliweyn laab lakac xambaarsan lana isticmaali doono waxa xaqiiqadu ku fadhido ama saamaxayso. Saa awgeed; waxaa talo ahaan loosoo jeedinayaa in hawsha nuxurkeedu lagu dabaqo, xalkana laga raadsho ku tiirsanaanta hab-dhaqameedkeena suuban ee waligeenba ab iyo isir wax ku xalisan jirnay, halka la raadraaci lahaa xal laga raadsho dhexdhexaadin talo iyo gacan shisheeye, walow ay noqon karto  mid ka timaada dhinaca dal aan saaxiib nahay.

Waxaan laga fursanayn markasta in la helo guddi isku dhaf ah (G.W & G.K)  ee  ka kooban culumaa’udiinka iyo odaybeeldhaqameedka  oo si xor iyo xilkasnimo kudheehan tahay loo soo xulay inay ka baaraan dagaan go’aaminta waxa laga yeeli doono arimaha gooni u istaagga G.W & iyo kuwa midnimada (G.W & G.K)

Si howsha u  noqoto mid miro dhal ah, waxaa lagu talinayaa in odayaasha G.Kdhinacooda marka hore raali galin ka sameeyaan dhibkii soo gaaray ummadda ku noolG.W, lana tagaan wada hadalka madasha wax kasta oo loo arkikarayo xal u cuntami karaya ama ku qanci karayaan odayaasha ka soo jeeda beel dhaqameedka G.W,maadaama qaybtaan loo arko in ay tahay dhibanaha wax tirsanaya ee lala xaajoonayo.

Waxaa lagu soo gabagaynayaa ilahayna weyn laga baryayaa in labada dhinac qalbigooda isku soo dhawaado si ay muujiyaan dabacsanaan saamixi karaysa in la gaaro xal dan u ah  ummadda Soomaaliyeed, iyagoo si xilkasnimo iyo daacadnumo ku dheehan tahay uga qayb qaata wada xaajoodka madasha.

Wixii xal loo arko ee si wadajir ah u go’aamiyaan odayaasha madasha ee labada dhinac waxaa lagu talinayaa in Maamulada (G..W & G..K) u aqbalaan una fuliyaan si aan leexleexad iyo mugdi kujirin. Waxaa la aaminsan yahay shakina laga qabin in labada dhinac odayaashoodu kuweyn tahay aaminista mabaadi’da iyo falsafadda ka dambeysa in maalin maalmaha ka mid ah shaki la’aan la gaari doono midnimo buuxda ee shanta Soomaaliyeed, waqtigay rabto haqaadato. W.B.T

Qore: Mohamed Sh. Musa  Farah 06/10/2016 (London)

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open