Waddo Cusub Oo Badda Hoosteeda Marto Ayaa Laga Dhisay Magaalada Istanbul (Video + Sawiro)

Dowladda Turkiga ayaa magaalada Istanbul ka hirgalisay Mashruuc lagu dhisay Wado la hoos mariyey Badda oo loogu magac daray Euroasia Tunnel oo dhirirkiisa yahay 14.6 KM.

Wadadan Badda la hoos mariyey ayaa ayaa waxaa sidoo kale dusha sare kaga dhisan Buundada Bosphorus (Bosphorus Bride) ee kala qaybiso labada qayb ee magaalada Istanbul ka kooban tahay kuwaasoo kala ah Istanbul Yurub iyo Istanbul Asia. Waxaa la rajeynaa in wadadan cusub khafiifin doonto cariiriga ba’an ee haysto Gaadiidka iskaga kala goosho gudaha magaalada Istanbul.

Madaxweyne Erdogan iyo Ra’iisulwasaare Bin-ali Yildirim ayaa kormeeray oo markii ugu horeysay ku kaxeeyey gaariisa. Waxaa si rasmi ah loo furi doonaa Euroasia Tunnel bisha December ee dhamaadka sanadkan 2016-ka.

euroasia euroasia0 euroasia1 euroasia2 euroasia3 euroasia4 euroasia5 euroasia6 euroasia7 euroasia8

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open