Dowladda Federalka Oo Ciidamo Kala Dhexgalo GalMudug Iyo Puntland U Direyso Magaalada Gaalkacyo

Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa shaley ku dhawaaqday in ciidamada Xoogga Dalka la geeyno magaalada Gaalkacyo si looga hortago xiisadaha iyo dagaalada ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Wasiirka warfaafinta xukuumada Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in taliyeyaasha ciidamada Xoogga Dalka la farayo iney ciidamo kala dhex dhigaan maamulada ku dagaalamaayo magaalada Gaalkacyo.

Arinta la is weydiinayo ayaa ah  cidda ay yihiin Ciidamada Xoogga Dalka ee wasiir Mareeye uu sheegayo in la kala dhex dhigaayo GalMudug iyo Puntland, iyadoo warsaxaafadeed shaley Puntland soo saartay ay ku sheegtay in ciidamadii dowladda federalka ee Danab oo ku hubeysan hubka dowladda Federalka ay ka barbar dagaalamayeen maleeshiyaadka maamulka Galmudug.

Waxaa sanadihii la soo dhaafay dowladda Federalka ay gobolka Sh/hoose u soo dirtay maleeshiyaad ka kooban beelaha Habargidir iyo Abgaal oo sheeganaayo Ciidamada Xoogga Dalka kuwaasoo tacaddiyo kala duwan ka geystay gobolka isla markaasina barakiciyey dadka deegaanka.

 

 

 

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open