Dowladda Turkiga Oo Diiday Inay Ciidamadeeda Kala Baxdo Waqooyiga Ciraaq Sheegtayna Inay Ka Hortageyso Barakicinta Iyo Khatarta Lagu Hayo Dadka Sunniyiinta

Waxaa si dadban u sii xoogeysanayo  xiisadda u dhexeyso dowladaha Iran iyo Turkiga oo labaduba ku lug leh dagaalka siyaasadeed ee ka soconayo dalalka Ciraaq iyo Suuriya.

Ra’iisul Wasaaraha dalka Ciraaq Xeydar Al-Cabbaadi oo u muuqday mid xambaarsan fariin ka timid dalka Iran ayaa si kulul weerar afka ah ugu qaaday madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayib Erdogan oo uu ku sheegay in ciidamadiisa Turkiga ay qaab gumeysi ah u soo galeen Waqooyiga dalka Ciraaq oo ay degan yihiin dadka Sunniyiinta Ciraaq. Hadalka Ra’iisulwasaare Al-Cabbaadi ayaa daba socday diidmadii dowladda Turkiga ay diiday inay ciidamadeeda kala baxdo saldhigyo ciidamada Turkiga ku leeyihiin magaalooyin ku yaalo waqooyiga dalka Ciraaq.

Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogan oo maanta khudbad ka jeedinaayey shirka Golaha Dowladaha Islaamka Yurub iyo Asia (Eurasia Islamic Council ) oo magaalada Istanbul ka soconaayo ayaa si adag iskaga difaacay eedeymaha kaga yimid Ra’iisul Wasaare Xeydar Al-Cabbaadi oo nin Shiico Iran ku xiran ah.

“Adiga ma tihid dhiggeyga si aan uga jawaabo hadalkaaga, isku heer ma nihin aniga iyo adiga, waxaa kuu wanaagsan lahayd inaad fahamto cidda aad la hadleyso, dowladda Turkiga  fadhiga ma ku sugeyso khatarta ku soo wajahan….” ayuu yiri madaxweyne Erdogan oo wajigiisa caro xoog leh ay ka muuqatay.

Dowladda Iran oo kicineyso Shiicada ku nool dalalka Carabta gaar ahaan Ciraaq, Suuriya, Yemen, Baxreyn iyo Lubnaan ayaa adeegsato farsamooyin u badan kuwoo Aamusan oo ficiladooda aad u xoogan yihiin, waxayna si toos ahba u taageertaa dadka Shiicada ah ee ku nool dalalka Carabta.

Dhanka kale, dowladda Sacuudiga oo naftigeeda dagaal adag kula jirto Kooxaha Shiicada Xuuthiyiinta ee dalka Yemen ayaa waxay shir gudoomin doontaa shir u dhexeeyo Wasiirada Arimaha Dibadda Carabta oo dhinac ah iyo Wasaaradda Arimaha Dibadda Dalka Turkiga oo dhinac kale ah. Waxaa shirkan oo lagu qabanayo dalka Sacuudiga ka soo qayb galaayo Wasiirada Arimaha Dibadda Carabta iyo Wasiirka Arimaha Dibadda Turkiga Mowliid Çavuşoğlu (Mevlüt Çavuşoğlu).

Dowladaha Carabta iyo Turkiga ayaa hadda ku baraarugay khatarta uga imaaneyso dalka Iran, xili dalka Turkiga uu la ciirciirayo qaxootiga dadka Sunniyiinta ah ee Shiicada ay soo barakiciyeen  guryahooda Ciraaq iyo Suuriya.

Ciidamada dalka Turkiga ayaa saldhig ku leh magaalada Bashiqa (بعشيقة ) oo 15 Kilometer u jirto magaalada Mosul oo ah magaalada labaad ee ugu weyn dalka Ciraaq.

 

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open