Shirkadda Isgaarsiinta SOMTEL Oo Gaari Nooca Raaxada Ah Ugu Deeqday Haweeney Macalimad Ah (Sawiro)

Shirkadda Isgaarsiinta Somtel ayaa xaflad balaaran ku qabatay magaaladda Bacaadweyn ee gobolka Mudug, Xafladdaan ayaa waxaa ay daba socotaa, xaflad horay loogu qabtay Magaaladda Garoowe halkaas oo lagu wareejiyey lambarka wareega ee Tijaabi nasiibkaaga.

Xabiiba C/casis Maxamed Shiikh oo ka mid ah macaamiisha shirkadda Somtel ee Magaaladda Bacaadweyn ayaa ku guulaysatay gaari Nooca raaxaada ah oo aad u quruxbadan, Xafladda ayaa waxaa kasoo qyab galay dadweyne kala gadisan, kuwaas oo goob joog u ahaa wareejintii Gaariga ay shirkaddu Bixisay.

Gudoomiyaha Deegaanka Bacaadweyn, Isuduwaha Wasaaradda Ganacsiga Gobolka Mudug iyo Kasoo qayb galayaan kale, ayaa waxaa ay amaaneey kuna Qanceen hab cadaaladeedka Shirkadda ee Barnaamijka Saami-Celinta Bulshada, waxaana ay Bulshada ugu baaqeen in ay ka faa iidaystaan Furasadaha ay shirkadda Somtel hayso.

Madaxa Suuqgaynta Shirkadda Somtela ee Gobolka Mudug, ayaa ugu baaqay in aan laga daalin fursadaha, Isaga oo ugu bishaareeyey in E-dahab lagusoo kordhiyey Qayb Lacag Soomaaliga lagu qaadan doono, oo aan doolar Kaliya loo isticmaali doonin.

Somtel.

somtel somtel0 somtel1 somtel2 somtel3 somtel4 somtel5 somtel6 somtel7 somtel8 somtel9 somtel10 somtel11 somtel12 somtel13 somtel14 somtel15

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open