Dhageyso Puntland Oo Ka Hortimid In Dowladda Ciidamo Keento Gaalkacyo Kuna Tilmaantay Ciidamada Dowladda Federalka Inay Gurmad U Yihiin GalMudug

Maamulka Puntland ayaa si adag uga horyimid qorshe ciidamo ka socda Dowladda Fderaalka lagu geynayo magaalada Gaalkacyo oo maalmihii la soo dhaafay ay ku dagalaamayeen ciidamo ka kala tirsan maamulada GalMudug iyo Puntland.

Wasiirka Arimaha deegaanka Puntland Cali Cabdullaahi Warsame oo magaalada Gaalkacyo kula hadlayay saxaafadda ayaa ku tilmaamay qorshaha dowladda Federalka ay ciidamo ku keeneyso Gaalkacyo mid ciidamo Gurmad u ah GalMudug lagu soo gaarsiinaayo gobolka.

Maamulka Puntland oo u cadeysay in ciidamada dowladda yihiin Maleeshiyo Beeleed ayaa shaley soo bandhigtay ciidamo DF ka tirsan oo ka soo gadooday taliskooda kadib markii uu ku amray inay ka barbar dagaalamaan GalMudug.

Ciidamada dowladda Federalka ee loo yaqaano Xoogga Dalka ayaa badankooda ka soo jeedo hal beel oo ah beesha Hawiye, waxaana hadafkooda yahay inay u dagaalamaan dhulbalaarsiga beesha Hawiye ka damacsan tahay deegaanada qaar, waxaa xusid mudan kaalintii ay ka ku lahaayeen maleeshiyaadka dowladda duulaanadii 5-ta sano ee la soo dhaafay ka socday degmada Marka iyo guud ahaan gobolka Sh/hoose taasoo lagu dilay dad badan isla markaasina lagu baabi’iyey hanti badan oo dadka deegaanka lahaayeen.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open