Faahfaahin Laga Helayo Dagaal Dad Badan Ay Ku Dhinteen Oo Maanta Ka Dhacay Magaalada Gaalkacyo

Inta la xaqiijiyey 15 ruux ayaa ku dhimatay in ka badan 20 qofna waa ay ku dhaawacmeen dagaal qaraar oo saacado badan ka socday magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Dadka geeriyooday ayaa waxay isugu jiraan ciidamadii dagaallamay ee labada dhinac iyo dad shacab ah oo ay rasaasta ugu tagtay guryahooda.

Madaaficda lidka diyaaradaha iyo qoryaha darandooriga u dhaca ayaa maanta gelinkii dambe oo dhan laga maqlaayey guud ahaan magaalada Galkacyo oo labo qayb ugu qaybsan GalMudug iyo Puntland.

Saraakiisha ciidamada Puntland oo siyaabo kala duwan saxaafadda ula hadlay ayaa sheegay in dagaalka uu bilowday kadib markii ciidamada GalMudug ay gantaalo ku weerareen Xarunta Maxjarka Xoolaha ee dhawaan Puntland ay ka hirgalisay duuleedka xaafadda Garsoor ee magaalada Gaalkacyo.

Dhanka kale, Wasiirka Warfaafinta maamulka GalMudug Maxamuud Aadan Masagaway ayaa saxaafadda u sheegay in Puntland ay duulaan 3 geesood ah ku soo qaaday deegaanada uu ka arimiyo maamulka GalMudug, wuxuuna ku nuuxnuuxsaday in ciidamada GalMudug ay is difaaceen.

Xaafadaha magaalada Gaalkacyo ayaa intooda badan si weyn looga barakacay, waxaana gabi ahaan xirmay ganacsiga iyo isku socodka bulshada xiisaha colaadda dartood.

 

 

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open