Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Labada Gobol Hiraan Iyo Shabeelaha Dhexe Oo Galabta La Doortay (Sawiro)

Waxaa la soo gaba gabagabeeyey Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Maamulka labada Gobol ee Hiraan iyo shabeelaha (HirShabeele) oo ay ku tartamayeen labo Murashax.

Xildhibaanada maamulka HirShabeele oo 91 mudane ah ayaa waxay codadkooda kala siiyeen labada Murashax ee isu taagay qabashada Gudoonka Baarlamaanka maamulka HirShabeele.

1- Murashax Cismaan Barre Maxamed ayaa helay 61 cod.

2- Murashax Abuukar Xasan Cali ayaa isagana helay 28 cod.

Waxaa sidaasi ugu guuleystay inuu noqdo gudoomiyaha Baarlamaanka HirShabeele Cismaan Barre oo helay 61 cod.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamad Sheekh Cusmaan Jawaari iyo mas’uuliyiin kale ayaa goobjoog ka ahaa goobta ay ka dhaceysay doorashada Gudoonka Baarlamaanka HirShabeele.

 

hsh hsh1 hsh2 hsh3 hsh4 hsh5

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open