Markab Dagaal Laga Leeyahay Dalka Mareykanka Oo Duqeyn Ka Geystay Xeebaha Dalka Yemen

Dowladda Maraykanka ayaa shaaca ka qaaday in gantaalo lagu soo weeraray Markab dagaal Mareykanka leeyahay oo ku sugnaa meel u dhexeyso Badda Cas iyo Gacanka Cadan.

Mareykan waxay sheegeen iska difaaceen oo iyagana ay duqeeyeen goobihii gantaalada looga soo tuuray oo ah  xeebaha dalka Yemen oo ay gacanta ku hayaan Kooxda Shiicada ah ee Xuuthiyiinta.

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaarada Gaashaandhiga Maraykanka (Pentagon) ayaa lagu sheegay in la burburiyay qaar kamid ah Radaro yaalay goobaha laga soo weeraray Mareykanka.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open