Puntland Oo Gaalkacyo Ku Soo Bandhigtay Ciidamo Dowladda Federalka Ka Tirsan Oo Ka Qayb Qaadanaayey Dagaalka U Dhexeeyo Puntland Iyo GalMudug (Video)

Maamulka Puntland ayaa magaalada Gaalkacyo kusoo bandhigay askar ka tirsan ciidanka NISA oo la doonayay in loo adeegsado dagaalka ka soconaayo magaalada Gaalkacyo ee u dhexeeyo maamulada Puntland iyo GalMudug.

Wasiirka Arimaha Bii’ada iyo Fayodhowrka maamulka Puntland Cali Cabdullaahi Warsame oo shir jaraa’id ku Gaalkacyo ayaa sheegay askartaan oo hubkooda wata inay gacantooda isugusoo dhiibeen dowladda Puntland.

Qaar ka mid ah Ciidamada Puntland isku soo dhiibay ayaa sheegay in markii furinta dagaalka la keenaayo loo sheegay inay u socdaan Isbaaro qaadis laga sameynayo deegaanka Bandiiradley.

Daawasho Wacan:

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open