Wiil U Dhashay Dalka Suuriya Ayaa Isagoo Meyd Ah Laga Helay Xabsi Uu Ku Xirnaa Dalka Jarmalka

Wiil lagu magacaabo Jaber Al-bakr kana tirsanaa dadka qaxooti ahaan u soo galay dalka Jarmalka ayaa meydkiisa laga helay Xabsi uu ku xirnaa kadib markii lagu soo eedeeyey inuu argagaxiso yahay.

Booliiska dalka Germany ayaa wiilkan ku eedeeyey in gurigiisa laga helay waxyaabaha laga sameeyo bambaanooyinka ama qaraxyada isla markaana baxsad ahaa muddo labo maalmood ah.

Ninkan oo 22 sano jir ah ayey booliiska gacanta kusoo dhigeen Isniintii lasoo dhaafay, waxaana soo qabashadiisa Booliiska gacan ku siiyey dhalinyaro Suuriyan ah oo uu gurigooda ku dhuumanayey kadib markii ay ogaadeen in Booliiska ay baadi goobayaan Jaber Al-bakr.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in wiilkan uu xabsiga isku dhex dilay, waxaana baaritaan lagu wadaa geerida ninkan oo aan weli lasoo taagin maxkamada.

Wadanka Jarmalka ayaa ka mid ah waddamada Yurub ee ay ku nool yihiin qaxootiga ugu tirada badan ee ka yimid dalka Suuriya oo ay dagaallo ragaadiyeen muddo ka badan 5 sano.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open