Gudoomiye C/hi Waafow Oo Dib Ugu Laabtay Degmada Nambar 50

Gudoomiyaha Degmada Nambar 50 Cabdulaahi Cali Axmed Waafow ayaa dib wuxuu ugu laabtay degmada Nambar 50 ee Gobolka Shabeelada hoose.

Gudoomiye Waafow oo muddu seddax maalmood ah joogay Magaalada Muqdisho ayaa waxa u galbiyey Kolonyo Ciidamada Amisom ah, waxaana la sheegay in howlo shaqa ah uu u tagay, isagoo ku sugnaa Xerada ugu weyn Ciidamada Amisom ee Xalane.

War hoose oo aan heleyno ayaa sheegaya in safarka Gudoomiyaha Nambar 50 ujeedadiisa ay aheyd sidii uu ula kulmi lahaa saarkiisha ugu sareysa Ciidamada Amisom ee Xalne ku sugan iyo Madax ka socda Ururada ku shaqada leh la dagaalanka argagaxisada.

Sidoo kale wararka kale ee sida hoose aan u heleyno ayaa sheegaya in saraakisha Amisom iyo wakiilada Ururarada ladagaalanka argagaxisada ee Geeska Afrika ay isla meel dhigeen sidii Shacabka Soomaaliyeed looga dul qaadi lahaa kooxda Argagaxisa ah ee Shabaab.

Ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay Maamulka Nambar 50 ee ku aadan Safarka Gudoomiye C/laahi Waafow.

Ilaa imidnka lama sheegi karo Odey ama Siyaasi kasoo jeeda Beesha Biimaal oo ka tirsan dowlada Fedaraalka ama jooga Muqdisho oo ay kulmeen inta uu joogay Xerada Xalane.

 

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran