Jiif Caaqilka Beesha Biimaal Ee Somaliland Oo War Kasoo Saaray Tacadiyada Maleeshiyada Shabaab Ay Ku Hayaan Gobolka Shabeelada Hoose

Jiifcaaqilka Beesha Biimaal ee Jamhuuriyadda Somaliland oo soo saaray war qoraal ah ayaa si kulul uga hadlay dhibaatooyinka iyo tacadiyada Maleeshiyada Shabaab ay ku hayaan Shacabka ku dhaqanka Gobolka Shabeelada hoose.

Jiifcaaqil Maxamed Maxamuud Ibraahim ayaa warkiisa marka hore ku bogaadiyey Ciidamada deegaanka oo Cadowgooda wajiyada badan leh tusiyey in weli ay taagntahay awoodoodii ay ku xoreysteen wadada dheer ee laamiga.

Dhanka kale waxa uu ka hadlay dhibaatooyinka ay ku kacayaan Maleeshiyaadka isbaheysiga ah ee Shabaab iyo Mooryaanta xooga ku haaysata Beeraha Gobolka ku yaala, isagoo sheegay in dhibaateynta Shacabka Gobolka ay ka dhalan doonto in colaad fogaata loo qaado isbaheysigan cusub ayna dhiici doonana dagaalo hor leh.

Wuxuu sidoo kale ka hadlay dhaqamada kusoo kordhay Shabeelada hoose oo Maleeshiyada isbaheysiga ay cunaqateynta ku saareen Shacabka iyagoo ilaa hada ay maqanyihiin dad Shacab ah oo qaarkood Xujeey ah iyo baabuurtii ay wateen.

jiif-caaqil

Mar uu ka hadlay sida looga gudbi karo marxalada culeyska badan ee kulmisay duulaanada wajiyada badan ee ujeedooyinka dhowka laga leeyahay ayuu ku sheegay in lagu samro Imtixaanka iyo culeyska oo uu ku sheegay mid lagu imtixaamayo dadka mar kasta ku ad adag diintooda iyo dadnimadooda, isago dhan kale sheegay in maalin un loo bixi doono xornnimo..

Ugu dambeyn Jiifcaaqil Maxamed Maxamuud ayaa hogaanka Ciidamada deegaanka uga digay inay u jilicsanaadaan Mooryaanta Habargidir iyo Maleeshiyada Shabaab oo heshiis ku galay in barakicin cusub la geliyo Shacabka.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open