Maleeshiyada Guuta Seddaxaad Oo Horjooge Looga Dhigay Laba afle Oo Xoog Ku Haaysta Degmada Baraawe

Wasaarada Gaashaandhiga xukuumada Fedaraalka ayaa horjoogayaha Mooryaanta Habargidir ee lagu magacaabo Laba afle u magacaawday Taliyaha Maleeshiyada Guuto seddaxaad.

Laba afle oo taliye Urur u ahaa Mooryaan kasoo jeeda Gobolada dhexe (Habargidir) ayaa xoog ku haaystay degnma Xeebeeda Baraawe ee Gobolka Shabeelada hoose.

laba-afle

Markii uu halaagsamay horjoogihii lagu magacaabi jirey Goobaale oo lagu xasuusto gaboodfallada Gobolka Shabeelada hoose ayaa waxa booskiisa loo magacaabay ina adeerkiisa Lab afle.

War aan ka helnay saraaiil ka tirsan Wasaarada Gaashaandhiga ayaa noo soo dusiyey in guutadii uu horjoogaha u ahaa Goobaale loo diiday in loo magacaabo Taliye kale oo kasoo jeeda beelaha kale ee Soomaaliyeed ama Hawiye kale.

Abaanduulaha Maleeshiyada loogu yeero xooga dalka Cali Baashi ayaa warqad uu soo saaray ku magacaabay Kaaba Mooryaan Laba afle oo horey u haaystay degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelada hoose.

Guuta seddaaxaad oo uu ka halaagsamay Goobaale oo inteeda badan lagu laayey dagaaldii ka dhacay shabeelada hoose ayaa haraadigii ka haray aan weli lagu biirin Maleeshiyaad cusub.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open