Maleeshiyada Shabaab Oo Gaari Ay Saarnaayeen Xujaay Ka Timid Muqdisho Ku Afduubtay Shabeelada Hoose

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Shabeelada hoose ayaa kusoo waramaya in barqanimadii maanta Maleeshiyada Afka soo duubtay ee Shabaab ay Gobolka ku afduubteen gaari nooca looyaqaan Saarifta.

Gaariga oo la sheegay in uu ka amba baxay magaalada Muqdisho oo ku sii jeeday Marka ayaa waxa saarnaa Xujaay kasoo jeeda Shabeelada hoose, waxaana Maleeshiyada Shabaab ay ku afduubteen inta u dhaxeysa deegaanada Dhanaane iyo deegaanka Buushka.

Waxa la sheegayaa in markii dadka ma aTaleefanadooda la helo ay ugu war dambeysay Gaariga uu maraayey meel ku dhow deegaanka Saliini, waxaana uu ka leexday deegaanka Dhanaane.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya halka loola dhaqaaqay dadka xujaayda ah ee gaariga saaran iyo gaariga laftiisa, warar qaar ayaa ku waramaya in loo gudbiyey xabis ay ku leeyihiin deexda deegaanka Jilib marko halka warar kale ay sheegayaan in lagu haayo inta u dhaxesaysa Dhanaane iyo Gendershe oo sy ku xooganyihiin Maleeshiyada Shabaab.

Maleeshiyada kooda Shabaab oo qandaraas la dagaalan Beesha Biimaal ah kula jirta Mooryaanta Habargidir ayaa cunaqabateyn kusoo rogay inta badan deegaanada ay maamulaan Ciidamada deegaanka, waxaana horey ay u afduubteen Gaadiid kala duwan oo ilaa iminka aan la ogeyn halka ay ku maqanyihiin gaadiiddka iyo dadii saarnaa.

Maalintii shalay deegaanka Saliini ayaa waxaa lagu waayey gaari nooca Gaaribta loo yaqaan oo waday Wiil dhalin yaro oo dhaawac ah oo laga keenay Magaalada Marka, cid meel ku sheegi karta ma jirto ilaa hada dhaawaca, gaariga iyo darawalkii saarnaa.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open