Maleeshiyada Shabaab Oo Shacabka Ku Dhaqan Qoryooley Ku Amray Inay Degmada Isaga Guuraan

Maleeshiyada kooxda Shabaab ayaa shacabka ku dhaqan degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeelada hoose ku amray inay isaga guuran degada.

Warqado ay ku qoranyihiin digniino iyo hanjabaado ayaa la sheegay in lagu daadiyey qeybaha ay ka koobantahay degmada Qoryooley.

Waraaqaha oo ay arkeen dadka qaar ayaa waxa ku qornaa in Shacabka ay ka guuraan degmada loogana dhex baxo sida qoraalka uu u dhignaa koox ay ku sheegeen Murtadiin iyo Mujaahidiin  oo iyaga isku tilmaamay.

Maanta ayaa dadka qaar waxay bilaabeen in ay ka guuraan guryahooda, oo ay u kala baxaan Degmooyinka Buulomareer iyo deegaanada kale ee ay ka taliyaan Maleeshiyada Shabaab.

Degmada Qoryooley oo ka mid ah degmooyin ka ugu wax soo saarka badan Gobolka Shabeelada hoose ayaa la kulmeysa weeraro iyo qaraxyo ay ka geysanayaan Maleeshiyada Shabaab.

Waxa is weydiin mudan sababta kaliftay in Shacabka loo ogolaado ku noolaanshaha deegaanka Buulamareer, laguna amray shacabka Qoryoole in ay qaxaan, oo isku si ay u maamuaaln Ciidamada Midowga Afrika.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open