Mourinho Oo Kulanka Liverpool & Man United Barbar Dhigay Kulamada Madrid & Barcelona, Inter Milan & AC Milan Iyo Mourinho Oo Fahansan Xifiltanka Red Devils Vs Reds

Tababaraha kooxda Manchester United ee Jose Mourinho ayaa fahansan muhiimada iyo xifiltanka wayn ee ka dhexeeya kooxdiisa Manchester United iyo Liverpool ay Red Devils isiinta ku booqan doonto Anfield. Macalinka ree Portugal ayaa sheegay in uu jecel yahay ku ciyaarista Anfield iyo jawiga garoonka kooxda Liverpool.

Jose Mourinho ayaa kala saaray kala duwanaanshaha ka dhexeeya xifiltanka kooxdiisii hore ee Chelsea kala dhexeeyay Liverpool iyo xifiltanka wayn ee ka dhexeeya Liverpool iyo Manchester United. Mourinho ayaa kulanka Liverpool iyo Man United barbar dhigay kulanka El Clasico-da Barcelona iyo Real Madrid iyo kulanka kale ee Inter Milan iyo AC Milan.

murinho-1

Mourinho oo ka hadlaya in uu jecel yahay kulanka Anfield ayaa yidhi: “Haa wanaag ayaan ka rajaynayaa, anigu waxan markasta jecelahay ku ciyaarista Anfield.Marar badan ayaan ku soo guulaystay halkaas sidoo kale waan ku soo guuldaraystay. Waxaan ku soo guulaystay kulamo waa wayn, waxaan ku soo guuldaraystay kulamo waa wayn”.

Laakiin Mourinho ayaa intaa raaciyay in aanu Anfield ku jeclayn guulaha uu ku soo gaadhay awgeed balse uu jecel yahay jawiga Anfield wuxuuna yidhi: “Anigu ma sheegi karo in aan halkaas u jecelahay sababtoo ah in aan markasta guul ku soo gaadho,  sababtoo ah taasi run ma aha. Anigu waxaan jecelahay in aan halkaas aado waxaanan jecelahay jawiga”.

murinho

Ugu danbayn Mourinho ayaa kulanka Englang ugu wayn ee Liverpool iyo Man United barbar dhigay kulamada ugu waa wayn Spain, Italy iyo dalkiisa Portugal wuxuuna yidhi: “Waxaa la barbar dhigi karaa  Milan v Inter Milan, Madrid v Barcelona, laga yaabee Porto v Benfic. Waxa la barbar dhigi karaa mid ka mid ah kulamadan”.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open