Puntland : Ma jiraan Ciidamo Qaran Oo Ummadda Soomaaliyeed Ka Dhexeeya (Warsaxaafadeed)

Maamul Goboleedka Puntland ayaa soo saaray Warsaxaafadeed ay ku cadeynayaan in xiligan Soomaaliya aysan ka dhisneyn Ciidamo Qaran oo Soomaaliya ka dhexeeyo. Arintan Puntland ku dhawaaqday ayaa timid kadib markii ciidamada dowladda Federalka ugu magacawnaa Xoogga Dalka ay si toos ah uga qayb qaateen dagaalka Gaalkacyo iyagoo qaab beeleed uga barbar dagaalamaayey ciidamada maamulka GalMudug oo dagaal kala dhexeeyo ciidamada maamulka Mudug ee Puntland.

Sidoo kale, Ciidamada Dowladda Federalka ugu magacaban “Xoogga Dalka” isla markaasina ahaa beesha Hawiye oo soocan ayaa sanadihii la soo dhaafay dagaal lagu barakicinaayo dadka deegaanka ka waday degmada Marka iyo deegaano kale oo gobolka Sh/hoose ka tirsan. Duulaanada ciidamada dowladda ka wadeen Sh/hoose ayaa shacabka degmada Marka iyo guud ahaan gobolka dhaxalsiiyay inay ka amin baxaan ciidamo magac dowladeed wato iyo inay qaadaan uur-ku-taalooyin aanay weligood hilmaameynin.

Hoos ka akhriso War-Saxaafadeedka Puntland soo saartay 

pl-press-release pl-press-release1

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran