Xaflad Lagu Taageerayo Dr. IMRAAN AXMED Oo Ah Murashax Xildhibaan 2016 Ayaa Ka Dhacday Magaalada London (Sawiro)

Kullan aad u qeeymo badan oo ay isugu yimaadeen Mas’uuliyiinta Jaalliyada Beelaha Galadi ayaa Waxa uu ka dhacay Premium Inn. Kullankaasi oo ahaa mid ay Jaalliyada Galadi ku Taageereeysay Murashax Xildhibaan ee 2016, Murashaxa Da’da yar, Aqoonyahan Dr.IMRAAN AXMED.

Kullanka oo ahaa mid wax badan lagu gorfeeyay oo Diirada lagu saaray, xaalada guud ee Dadka iyo Deegaanka, waxayna Aqoonyahano iyo siyaasiyiin kulanka kaga qeeyb qaateen khadadka Taleefanka (Teleconference) ay hoosta laga xariiqay in loo baahanyahay ISBADAL, in lagu sameeyo, siyaasada Beelaha Galadi, Aqoonyahanadii, iyo Siyaasiyiintii ka qeeyb qaatay kullanka, waxa ay ku booriyeen Ergooyinka soo dooranaaya Xildhibaanada cusub 2016 in ay Dadka iyo Deegaanka ay u dooraan Xildhibaano Aqoon iyo karti leh una Adeegaaya Ummada soomaalida iyo Bulshada ay matalaan.

Ugu danbeytii Gud. jaalliyada Galadi ee UK Md C/qaadir Muudeey Maaxi, ayaa ugu baaqay Ergada in loo baahanyahay ISBADAL.

Mas’uuliyiintii kullanka Taleefanka ka qeeyb qaatay waxaa ka mid ahaa, Md.Eng.Xasan Maxamed Cumar,kullankaasi ayaa waxa uu ku soo gaba-gaboobay Jawi Is Af-garad iyo is Faham.

musharax musharax1

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open