Akhriso Maamulka GalMudug Oo Maanta Soo Bandhigay Magacyada 5 Xildhibaan Oo Ku Matali Doono Aqalka Sare Ee Baarlamaanka Federalka

Magaaalada Cadaado ee xarunta maamulka GalMudug waxaa maanta ka dhacday munaasabad lagu soo xulaayo xildhibaanada 8-da ah ee GalMudug u matali doono Aqalka Sare ee Baarlamaanka dowlada Fadaraalka Somalia.

 

GalMudug Waxay shaacisay 5 xubnood oo ku soo guuleystay inay helaan codadka 52 Ergo oo ka soo kala jeeday beelaha Kuraastaasi 5-ta ah ku fadhiisanaayo.

Shanta xubin oo ay ku jiraan hogaamiye kooxeedyo caan ka ah Koonfurta Soomaaliya ayaa sida soo socoto ah:

1- Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid – Sacad/Habargidir
2- Abshir Maxamed Axmed – Saleebaan/Habargidir
3- Yuusuf Geele Ugaas – Duduble
4- Cabdi Axmed Dhuxulow – Murunsade
5- Zamzam Daahir Maxamuud – Abgaal

Sida ku cad heshiisyadii Madasha Wadatashiga Qaran, maamulka GalMudug wuxuu leeyahay 8 xubin oo Aqalka Sare u mataleyso, waxaana 3da kursi ee harsan la dhameystiri doonaa maalinta berri, waxaana loo qoondeeyey sadexda kursi ee harsan beelaha Surre, Mareexaan iyo Ceyr/Habargidir.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open