Daawo Sawiro Kulankii General C/laahi Waafow Uu Saraakiisha AMISOM Kula Qaatay Xerada Xalane Ee Magaalada Muqdisho (Sawiro)

Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed General C/laahi Waafow ayaa dhowaan xerada Ciidamada Xalane kulamo kula soo qaatay Saraakiisha ugu sareyso howlgalka ciidamada AMISOM.

Saraakiisha AMISOM iyo Xafiiska Qaramada Midoobey ee UNSOM ayaa General Waafow kala hadlay sidii argagaxisada Alshabaab looga sifeyn lahaa deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Sh/hoose oo hadda la xaqiiqsaday in howlgal laga sameeyo ay adag tahay iyadoo aan kaashaneynin Saraakiisha ciidamada ee gobolka Sh/hoose ka soo jeedo.

Argagaxisada Alshabaab ayaa dhowaan bilowday inay beel ahaan u beegsato maatida beesha Biimaal, waxayna xiligan Afduub u haystaan Xujey ku laabaneysay magaalada Marka iyo shacab kale oo ka kooban dad danyar ah oo Xoolaley iyo Beeraley u badan.

General Waafow ayaa shaley dib ugu soo laabtay degmada Lambar50 ee gobolka Sh/hoose.

waafow waafow1 waafow2 waafow3

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE